Maxkamada Sare Puntland oo Go’aamisay inay Sharci darro yihiin 4 ka mid ah Golaha Deegaanka Bosaaso

25 Nov 2015 (Puntlandes) Maxkamadda sare ee Puntland ayaa Xukun kasoo saaratay Dacwadii laga soo gudbiyey Gollaha Deegaanka Bosaso iyo waliba Doorashadii Guddoomiyaha Duqa Bosasao.

52

Xukun ay Maxkamaddu soo saartay ayey ku  go’aamisay inay sharci darro yihiin afar xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Bosaaso, kadib markii maxkamaddu ay u cuskatay sharciga dowladaha Hoose ee Law lambar 7 oo sheegaya in Golayaasha Degaanka Degmooyinka waawayn ee Puntland sida magaalada Bosaaso yihiin 27 xubnood, iyadoona Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso uu yahay 31 oo Xukuumadii Faroole ay 2 xubnood ku dartay halka a ytan Cabdiweli na ay laba xubnood ku dartay.

Dhanka kale Maxkamaddu waxay waxba kama jiraan ka soo qaaday dacwadii la xiriirtay in doorashada Duqa degmadu ay u dhacday si aan sax ahayn .

Xukunka Maxkamadda  ayaa ka dambeeyey kadib markii dacwad ka dhan ah Doorashada Duqa Degmada Bosaaso ee dhawaan laga soo gudbiyey dacwad ay uga soo horjeedaan qaabkii doorashadaasi loo maareeyey iyo xubnaha golaha deegaanka ee duqa doortay oo qaarkood la sheegay inay ahayn kuwii ay odayaasha beelaha ay soo gudbiyeen.,

Cumar Sadiiq oo ahaa mushrax u taagna dorashadii Duqa Bosaso balse markii dambe ka baxay kana mid ahaa dadkii dacwada ka geeyey Golaha Degaanka iyo doorashadii Duqa oo manta ayaa sheegay in uusan ku qanacsanayn xukunka Maxkamada isla markaana aysan si cadaalad ah wax u xukumin.

Puntlandes.com

About The Author