Breaking News: Xiidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Xaafada Baraxleey

28 Nov 2015 (Puntlandes) Dagaal Qaraar oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug una dhaxeeyey Malayshiyooyin kasoo jeeda maamulka Galmudug iyo Puntland, oo markii hore ku bilowday si goos goos ah ka dibna Xoogays ayaa lagu kala baxay kadib markii Ciidanka Puntland uu kasifeeyey Xaafadda Baraxleey Malayshiyadii weerarka soo qaaday ee Galmudug.

159d

Ciidanka Puntland ayaa waxay ay gudaha u galeen Xaafada Xaafadda Baraxleey waxayna gabi ahaan la wareegeen Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka Puntland ayaa xoogoodu iminka waxay difaac ka galeen meel koonfurta magaalada Gaalkacyo u jirta ilaa 5 km.

Magaalada Gaalkacyo ayaa Gabi ahaan markii ugu horaysay tan iyo 1993 dii waxaa Gacanta ku haya Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Wixii war ah oo ku soo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

 

About The Author