Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo gaaray magalada Garowe

29 Nov 2015 (Puntlandes) Wafdi uu Hoggaaminayo madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa soo gaaray Caasimada  Puntland ee Garowe, waxana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxda Puntland.

159d6

Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Socdaalkiisu salka ku hayaa sidii Jubbaland uga qayb qaadan lahayd joojinta xiisada ka aloosan magalada Gaalkacyo, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo madaxwayne Axmed Madoobe ayaa shir uga socdaa xarunta madaxtooyadda ee Garowe, waxana laga wadda arrin sanayaa sidii daris wanaaga iyo nabadda looga wada shaqayn lahaa.

About The Author