Sawiro: Madaxweyne Gaas oo Abdulahi Yusuf Airport kula kulmay C/kariim

2 Dec 2015 (Puntlandes) Dowladda Puntland iyo Maamulka Cadaado oo shir uga socday garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa daqiiqado ka hor heshiis ka kooban afar qodob qalinka ku duugay.

Ugu horeyn Raiisal Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali oo hadal ka jeediyey shirka ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwana ee uu soo maray wadahadalka Puntland iyo Galmudug.

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in magaalada lagu dagaalamo isla markaana xusay in magaalo lagu han-weynaa iney noqoto Caasimad Soomaaliyeed colaad ka bilaabato ay taasi nasiib daro tahay.

Wasiirka Arrimaha gudaha DFS Cabdiraxmaan Odawaa ayaa heshiiska oo loogu magac daray HESHIISKA Gaalkacyo kana koobna afar qodob madasha ka akhriyey.

1 Xabbad Joojin

2 Ciidamada oo la kala qaado

3 Dadkii qaxay oo la soo celiyo

4 Wada hadal dhab ah oo la galo

Heshiiska loogu magacdat Heshiiska Gaalkacyo ayaa,waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo hogaamiyaha maamulka cadaado, sidoo kale waxaa saxiixay Markhaantiyaasha Heshiiska iyo Raiisal Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid oo wakiil ka ahaa wadahadalka DFS.

unnamed (1)unnamed (2)unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed (6)unnamed (7)unnamed (8)unnamed

About The Author