DEG DEG:Ciidanka Puntland oo Hawlgal ka fuliyey koonfurta Gaalkacyo

2 Dec 2015 (Puntlandes) Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa saaka Hawlgal ka fuliyey Koonfurta Gaalkacyo kadib markii ay soo hujuumeen Malayshida Xaafada Baraxleey.

159d

Kadib dagaal ay saaka Malayshiyada Xaafada Baraxleey kusoo qaadeen Ciidamada Puntland ayaa iska caabin uu Ciidanku sameeyey iyo Hawlgal sifayn ah waxaa Ciidamada Puntland u suurto galay inay isku fidiyaan dhul aad u balaaran.

Ciidanka ayaa isku fidiyey Xaafada Madhimaamka iyo Kaam Ajuuran ilaa iyo wada sodonka eeXaafada Baraxleey.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Xaafada Baraxleey ayaa waxay u xaqiijiyeen Warbashinta Puntlandes in laga qaxay dhamaan Hoteeladii ku yaalay Xaafada Baraxleey, kuwaasoo isku eeriyo ku wado yaalay.

Hoteelada laga qaxay ayaa waxay yihiin Hotel Embasy, Hotel 5 Star, Hotel Maka Al Mukarama.

Wararka Gaalkacyo kala soco Warbashinta Puntlandes

About The Author