DEG DEG: Dagaal kulul oo Madaafiic la isku adeegsanayo oo Gaalkacyo ka bilaamay

3 Dec 2015 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ayaa iminka waxaa ka socda Dagaal, kadib markii ay Qoryaha waawayn ee Zuuga loo yaqaan ay kusoo garaaceen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo Malayshiyada Xaafada Baraxleey ee koonfurta Gaalkacyo.

159c2

Dagaalkan ayaa ah wali mid socda, wuxuuna dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Warbaahinta Puntlandes heshay ayaa ah in Ciidamada Puntland ay Qasaare xoog leh u gaysteen Malayshiyada Xaafada Baraxleey, iyagoo durkiyey.

Waraka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

 

About The Author