Yaa iska leh Eeda Dagaalka Gaalkacyo,Ma Puntland,Ma Galmudug,Ma Dawladda Federaaalka,Mise cid kale?

Hadaad rabto cidda runtii Masiibadaan miraheed beertay, aan dib u jaleecno siday usoo bilaabatay.
Sanadkii 2012, Markii Hassan Shiikh loo doortay Madaxwaynaha, waxaa wasiirka Arrimaha Gudduha iyo Amniga loo magacaabay Cabdikariin Xussen Guuleed oo hadda ah Madaxwaynaha Galmudug. Cabdikariin wuxuu hubeeyey (Sida lagu xaqiijiyey UN Monitoring Reports mar kala duwar) Cabdi Qaybdiid, oo fadhigiisu ahaa xaafadda baraxlay ee Magaaladda Galkacyo. Maamulkii Puntland ee markaas jiray arintaan aad uga cawday. UN ku waxay warbixintooda ku sheegeen inay arrintani khatar ku tahay amaanka Gobolka (in their own words: “the armament of the warlord presents a potential threat to the peace and security of Puntland”).
Maxaa xiggay?.

169
Bishii July 30,2014, waxaa ka dhacay Villa Soomaaliya xaflad uu soo agaasimay Madax wayne Hassan Shiikh Maxamuud. Xaflaas waxaa goobjoog ka ahaa Raysalwasaarihii hore Cabdiwali Shiikh Maxamuud, Wasiirkii Arimaha Guddaha oo markaas Abdulaahi Goodax Barre iyo Wafti Caalima ah oo uu hogaaminayo Ergayga Qarammadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.
Shirkaas waxaa looga dhawaaqay in Maamul gobaleed loogu dhisayo Goballadda Mudug iyo Galgaduud. Si fiican ugu fiirso MUDUG IYO GALGADUUD. Waxaan aaminsanahay in madaxdii maanlintaas joogay ay abuureen mirraha colaada maantay Galkacyo ka taagan. Laakin eeda la ma wadaago.
Qorshahan waxaa watay Madaxwayne Hassan. Goodax waxaa laga yaabaa inuu amarka madaxwaynaha ku shaqaynayey, sida hada Odowaa ugu shaqeeyo. Raysal waraahuna u ekaa inuu Marti meesha ka ahaa.
Madaxwaynuhu wuxuu sheegay isla shirkaas inay Maamul samayntaani colaad u keeni doonin Puntland. Taas oo loo qaatay inaan qaybta mudug ay Puntland ka joogto uusan saamaayn ku yeelan doonin. Qof kastoo caqli lihii wuu arkayey inaan dagaal marna laga fursan doonin haddii dadka gobalka dega madaxa laysu galiyo.
Arrintaas maamulka Puntland aad buu uga caroodeen, ilaa ay gaartay inay xiriirka u jaraan Dawallada Federaalka. Asagoo ku dooday: In gobalka Mudug lawadda dagan yahay. Hadii qaybta Puntland laga tagana aan maamulka sharciyan ansaxayn. Hadii ay kutala gal tahay in la afduubo dadka reer Mudugna ay arintani horseedi karto colaad. Tiina maantay waan haynaa.
Waxaa taas oo dhan ka daran: Nicholas Kay oo og in UN ku 30 million oo dollar ku bixiyey dastuurka Soomaaliya, uu sharci daro taageero. Sababta wali lama yaqaan. Runtii lamana Fahmi karo. Runtii dhaqankiisu wuxuu xasuusiyey – fIlimkii Hollywood ka ee Lord of wars. Filimkaas actor kiisa oo ah nin hubka u beec geeya meelaha aduunka dagaalku ka jiro gaar ahaan Africa, ayaa mar lawaydiiyey hoos udhaca suuqyadda hubka wuxuu yiri : “when the market is not good, we create wars” – “Dagaalka anagaa abuurna si hubka loo gato”. Marka, does the UN create wars to be relevant?
Isku soo ururi: Eeda Colaada Gaalkacyo waxaa dhabarka u ridanaya hadii si dhab ah loo xisaabtamo:
1) Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Xassan Shiikh Maxamuud oo isagu is qayru masuulnimaa dab ugu soo dhextuuray dad walaalaa oo nabad kuwadda daggan. Dastuurkiina dhinac maray. Allah shalay mar uu hadlay wuxuu sheegay in wakhtigii laysa xisaabtami lahaa la joogo!!!
2) Ergayga Qarammadda Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Nicholas Kay, oo ka gaabiyey inuu runta u sheego hogaamiyaasha Soomaalidda inay dastuurka ku dhaqmaan si nabad waarta oo sharcigga waddan waa faqsan loo garo (peace built on the principles of the rule of law).
3) Waxaa kaloo eeda qaybtooda leh Madaxda Maamullada Puntland iyo maamulka Cadaado ee Galmudug, Wasiiraddi Arimaha Guduha kii hore kan hadda jooga Goodax Barre iyo Odowaa.
Xigasho:Puntlandi.com

About The Author