Tacsi: Marxuum Dr Xuseen Cabdulaahi Axmed

Inaa Ilaahi wa inaa ilayhi Raajucuun waxaa 4tii bishan Dec 2015 ku geeryooday Magaalada Hargaysa ee  Caasidda Somaliland Marxuum Dr Xuseen C/laahi Axmed.

Marxuum Dr Xuseen C/laahi Axmed wuxuu ka mid ahaa Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliand

154a

Mahamed Cumar, Mahdi, Sheekh Cismaan, Sheekh Maxamuud, Dr Yaasin, Sharmarke, Liibaan, Dr Biixi, Axmed, Cabdi Digdigle, Xaaji Yuusuf, waxay tacsi u dirayaan Qoyskii iyo Eheladii uu ka Geeriyooday Marxuum Dr Xuseen C/laahi Axmed.

Waxay kaloo si gaar ah tacsi ugu dirayaan Marxuumka Xaaskii iyo Carurtii uu ka tagtay oo kala jooga Hargaysa iyo Canada iyo Marxuumka walaakiis Maxamed Cabdulaahi Axmed iyo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa oo ku nool dalka Sweden, waxayna leeyihiin samir iyo iimaan Allaha idinka siiyo waxayna Allah uga baryayaan Marxuumka in uu naxariistiisa siiyo, Kitaabkiisana Gacanta midig ka siiyo, Qabrigana u waasiciyo una nuuriyo, Janadii fardowsana hoy uga yeelo Aamiin, Aamiin, Aamiin, ALLAHAYOOW.

Amiin Amiin, Amiin

About The Author