Dr Abdi Gele oo Baaq Nabadeed u Diray Maamulada Puntland iyo Galmudug

Dr Abdi Gele ayaa yiri Waan ka xumahay dagaalladii ka dhacay magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug wwaxaana ugu baaqayaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo in si shuruud la’aan ah ay dagaalka ku joojiyaan, Dagaal wiil-baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho,

Sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira  Gaalkacyo waaa wada-xaajood, waxaanan xasuusineynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneyn, waxaan hiigsaneynaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan”ayuu yiri Dr Abdi Gele.

171b

Dr Abdi Gele ayaa sidoo kale yiri waan soo dhaweynayaa cid walba oo gacan ka geysan karta sidii loo baajin lahaa dhiig kale oo daata.

Waxaa xusid mudan in dadweynaha ku nool magaalada Gaalkacyo ay yihiin shacab leh taariikh soo jireen ah oo ku saleysan walaaltinimo iyo wax wada-qabsi.

Waxaan  si guud fariin ugu dirayaa dhallinyarada walaalaha ah ee ku wada nool deegaanada hoos yimaada gobolka Mudug. Dhallinyaradu waa kuwa dhimanaya, dhaawacmaya, ama ku waaya dagaalka qaar ka mid ah xubnaha jirkooda.

Waxaan dhallinyarada ku nool gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo aan ku adkeyneynaa inaysan marnaba ka qeyb qaadan dagaalka sokeeye ee u dhaxeeya dadka walaalaha ah. Waa nasiib daro in dhallinyaradu ay noqdaan kuwa loo addegsanayo dagaal uu ku dhimanayo qof Soomaaliyeed, sidaa daraadeed waxaan dhallinyarada ugu baaqeynaa inay sugaan amniga iyo xasiloonida magaalada ay ku nool yihiin ayuu yiri Dr Abdi Gele

About The Author