Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 2aad)

Joseph-stalin wuxuu ahaa Kaligi Taliyihii ugu cuslaa Madaxdii aduunka Soomaray ee boobay dhamaan awooddii shacabka oo waliba layimid Nidaam si fiican ugu suurtagalay in uu hal ruux boobi karro, awoodda iyo mansabka 140 million oo ruux, oo waliba suu rabo u maamuli karo isga oo kaligiisa.

Joseph-stalin wuxuu muddo 30 sano ah xoog ku maamulayay dalka Russia isagoo isticmaalayay Khidad cajiib ah oo dunida ka yaabisay, isla markaana ay nidaamkaas Kaligi Talisnimo ka koobiyeeyeen ama sidiisii uga qaateen madaxdii Kaligi Taliyaasha ahaa, sida Siyaad Barre oo si toosa nidaamkii Joseph-stalin usoo qaatay iyo buugiisii.

Hadaba sidee ayay ugu suurtagashay Joseph-stalin in uu xoog ku boobbo awoodda shacabka intaa tirada le’eg cajiib!!.

Qofkasta oo caqli badan waxay ku noqonaysaa sidee hal ruux uga adkaaday dad gaaraya 140 million oo waliba dad isla wayn oo European ah oo ilbaxa oo badioodu isluulo soo dhigteen.

Sababta u suurtagalisay si aad u fahanto akhri maqaalkaan oo dhamaantiis wada akhri markaad maqaalkan dhamaysatid is waydii sababta uu Joseph-stalin uga badiyay 140 million oo Ruusha.

1) wuxuu la yimid nidaam uu kala saarayo jagooyinka uu magacaabayo, jago kasta isla markaasna qofkasta oo uu jago u magacaabo hadana uu markii rabo jagadii ka qaadayo isagoo aan cidna kala tashanayn, waana arrinkaas arrinka u sahlay waxwalba.

Stalin ayaa dalkii u qaybsahy Gobolo, Gobol kastana maamulkiisu uu isaga hoos imanayo.
a) Joseph-stalin wuxuuna Gobalkii u magacaabayaa Gudoomiyihii Gobalka waana in uu Gudoomiyihu uu u noqdo accountable Joseph-stalin ama warbixinta siiyo Joseph-stalin oo kaliya, ama cidda la xisaabtamaysa waa Joseph-stalin oo qura.
b) Joseph-stalin wuxuu magacaabayaa agaasimihii Maaliyadda ee Gobalka oo ay wixii dhaqaale ah ee gobolka isaga hoos imanayaan.
c) Joseph-stalin wuxuu magacaabayaa Gudoomihii Maxkamadda ee Gobalka oo isaga un ka amar qaadanaya
d) Joseph-stalin wuxuu magacaabayaa Gudoomiyihii Degmada oo isaga un ka amar qaadanaya
e) Joseph-stalin wuxuu magacaabayaa Taliyihii Ciidamada ee Gobolka oo isaga un ka amar qaadanaya.
f) Joseph-stalin wuxuu magacaabayaa Safiirkii Gobalka
g) Joseph-stalin wuxuu magacaabayaa Taliyihii Booliska
h) Joseph-stalin wuxuu magacaabayaa Talihii Sirdoonka
i) Joseph-stalin wuxuu magacaabayaa dhamaan agaasime waaxeedyada kaabayaasha dhaqaalaha sida Ayraboorada iyo Dekadaha iyo meelkasta oo dakhli kasoo xaroonayo ninka agaasimaha ka ah.
j) Joseph-stalin wxuu magacaabayaa dhamaan wasiirada, hadana wuxuu magacaabayaa dhamaan agaasimayaasha wasaaradaha, hadana wxuu magacaabayaa agaasime waaxeedyada, si markaas wasiirkii aanu awood u yeelan maadaama shaqada wasaaradda uu agaasimuhu qabanayo, tan kale agaasimuhu wuxuu accountble u yahay Joseph-stalin, Wasiirkuna wuxuu accountable u yahay Joseph-stalin.

Arrinka ugu muhiimsan waa maaliyadda ama Dhaqaaalaha Gobalka kasoo xarooda, ama wasaaradda oo ah halbowlaha Hawlaha Gobalka iyo wasaaraaha lagu kala socodsiinayo marka ruuxa uu Agaasimaha Maaliyadda Gobalka u magacaabaa waa in uu il gooniya ku fiirshaa siduu u dhaga nugulyahay.

Dhamaantood ragaas uu magacaabay midkasta goonidiisa ayuu uga baqanayaa Joseph-stalin, waayo waxaa meeshaan u magacawday Joseph-stalin sidaas la ajligeed ruuxii wuxuu ku khasbanyahay in uu si xad dhaafa uga baqo oo uu adoon u noqdo ruuxa leh awoodaas uu xilka ugu magacaabay ugana qaadi karo markuu doono.

2) Arrinka labaad ee ay Joseph-stalin ugu suurtagashay waa isagoo dili jiray ruuxii uu wax yar oo amar diido ah kaga shakiyo, isgoo laayay shacab lagu qiyaaso illaa 25 million oo ruux.

Nidaamkaan haddaad si fiican usii baartid aad bay u sahlantahay in la boobo awoodda shacabka iyadoo nidaamka Joseph-stalin la isticmaalayo

Hadaba markaan Soomaaliya usoo noqono, Soomaaliya 1969 Xukunka dalka waxaa la wareegay Maxamed Siyaad Barre wuxuuna ku dhawaaqay in uu Soomaaliya ku maamulayo nidaamkii Joseph-stalin ama nidaamka Kaligi talisnimada.

21 sano kadib Siyaad Barre dalkii waa laga saaray, laakiin dalkii waxaa madax ka noqday nimankii kusoo barbaaray qaabka uu u shaqayn jirtay nidaamkii xukuumaddii Siyaad Barre ee laga soo dhiraandhiriyay Joseph-stalin.

Nin aan saaxiibo nahay oo reer Hargaysa ah oo aan meel qaxwe lagu cabbo ku sheekaysanaynay oo aan arrinkan uga sheekeeyay ayaa yiri walaahay meel fog baad wax iga tustay, waayo Agaasimaha Dekadda Berbera markasta madaxwaynahaa magacaaba, marka xiligii uu Daahir Riyaale Madaxwaynaha ahaa waxaa uu agaasimaha Dekadda Berberalacagta dekadda kasoo xaroota u gayn jiray Daahir Riyaale, oo xiligaas Daahir riyaale lamana xisaabtami jirrin agaasimaha oo waxbuu kala hari jiray lacagta dekadda kasoo xaroota, laakiin hadda Aamina Waris Marwada Siilaanyo ayaa qol ku sugaysa agaasimaha oo shilin shilin uga tirisa wixii dekadda ka soo xarooday, illeen dumarku xisaabtanka waa ku wanagsanyihiin, marka waxaa soo baxaya ninkii agaasimaha dekadda Berbera ahaa oo madaxa haysta calashaan sida looga qaaday lacagtii oo dhan oo aan waxba xitaa isaga loo reebin.

Madaxda Soomaalida sida Gaas, Siilaanyo, Xasan Sheekh oo ku dhaqma nidaamkii Joseph-stalin.

Madaxda Soomaalida ee kore waxa ay wax u magcaabaan sidii uu Joseph-stalin wax u magacaabi jiray, waxayna koobiyeeyeen ama soo dhiraan dhiriyeen nidaamkii Joseph-stalin ee uu Siyaad Barre ku shaqayn jiray.

Aduunyada horumartay waxa ay meel iska dhigeen in ay Mansabka qaranka ay hal shaqsi ku aaminaan, waayo suurtagal ma ahan in lagu aamino mansabka dad intaas oo million ah hal ruux, waayo hal ruux wax kasta ayaa ka suurooba, waana fikir aad u qaldan in hal ruux masuuliyaddii qaranka lagu aamino, mana ahan nidaam dimoqraadiyadeed.

Maqaalkan akhri wuxuu bayaaninayaa qaabka ay shacabku awooddooda iyo dalkooda uga illaashan karaan nimanka siyaasiyiintaa ee doorashada codka dadka oo la soo iibsado ku guulaysta balse aan aqoonta wasaaradaha lahayn in ay awoodda wasaaradaha hawaystaan oo la wareegaan

Madaxwayne dal dimoqraadiya laga doortay waa arbiitare ee wax awooda haba yaraatee malaha, mana ahan dimoqraadiyad haddii Madaxwayne waxkasta go aan ka gaarayo, dalalka horumaray Madaxwaynuhu meelo mucayima ayaa lagu qadariyaa in uu saxiixo oo dusha ka eeggo waxa ay shacabku kusoo heshiiyeen iyadoo dastuurka dalka la raacayo.

Sidee nidaamka Joseph-stalin deegaanada Soomaalida looga tir tiri karaa.

Aad bay u adagtahay in nidaamkaas dalka laga suuliyo waayo waxaa nidaamkaan mansab ku hela dad badan oo haddii si daacada loo tartamo aan sidaas fudud mansab ugu heleen, waxaana ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayaan in aan nidaamkaas dalka laga suulin iyagoo si dadban nidaamkaan uga faa-iidaysta.

Hadaad si hoose ugu fiirsato matalan Somaliland iyo Puntland, waxaad mooddaa dad kooban in ay dalka ku haystaan nidaamka Joseph-stalin isla markaana Madaxwaynihii yimaada ay iyagu afduubayaan oo nidaamka Joseph-stalin ku taageerayaan si uu jagooyinkii iyaga ugu magaacabo ee aan wax wada tashiya laga dhigin, waxayna waliba ku laaluushayaan kaharashaad badan.

waxaana marka danbe qudhiisu awood yeelanaya madaxwaynihii la doortay oo markii hore xitaa laga yaabo in uu isbadal samayn lahaa ama rabay in uu isbadal sameeyo balse marka ay kooxdaan afduubaan isna sidaas iyo nidaamka Joseph-stalin uu laba sii macaanaanayo ama sax u arkaya.

Dhanka kale waxaan haba yaraatee ka warhayn nidaamkaan Joseph-stalin in dalka Soomaaliya lagu maamulo shacabka masaakiintaa 99%.
Marka haddii hadda shacabka laga dhaadhiciyo in lagu xukumo nidaamkii Joseph-stalin iyo kaligu talisnimo, waxay shacabka samayn karaan kacdoon ay ku diidanyihiin in lagu maamulo nidaamkii Joseph-stalin, waxayna la soo noqonkaraan awoodooddii.

Si kooban u diyaariye Ibrahin Sh Maxamed Gablax gablax@yahoo.com
Halkaan ka eeg Qormooyinkii hore ee Ibrahin Gablax

Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 1aad)

Baarlamaanka Puntland ma kasoo baxaa Masuuliyaddii shacabka Puntland (Maqaal Kooban)

Dib u daawo Cilmibaaristii sanad kahor uu Ibrahin Gablax ka diyaariyay (isla xisaabtanka,Bangiyada iyo Tamarta,Quutul daruuriga,GDP iyo Miisaaniyadda, Dawladwanaag )

Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 2aad (Akhri warbixin muhima)

Maxaad kala socotaa muhiimadda Miisaaniyadda iyo xiriirka ka dhexeeya Miisaaniyadda iyo GDP-ga, sidee Miisaaniyadda kor lowgu qaadi karaa

Finland dal kudayasho mudan (Warbixin kooban qaabka ay u shaqeeyaan 320 Dawlado Hoose oo madaxbanaan, 19 Gobol iyo Dawladda Dhexe) ka faa idayso.

Maxaad ka taqaanaa Xukunka Dalka oo lakala Qaybsho(Separation of powers- waa Demoqraadiyadda saxdaa) ama xukunka Dalka oo Koox ama shakhsi gacanta ugala(authoritarianism) (Akhri maqaal xiisa baddan)

Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 1aad)

Madaxda afrika oo garasho yari awgeed aan cadaaladda qaymayn (Maqaal muhim ah fadlan akhri)

Marlabaad dib u akhri: Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee caddaalad daradda awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sida Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal

 

About The Author