(Baaq) Dallada Ururada bulshada rayidka ah Puntland oo ka digtay nidaamka 4.5

Tar. 14/12/2015

Baaq ku aadan Madaxda Soomaaliyeed ee diidan in Doorashada 2016 lagu saleeyo habka degmooyinka ee iyagu ku dhegan 4.5.  

 

  • “Inamada la doortiyo abbaan duulahoodow, Ummaddaan xilkeediyo ammaaneydin saarane, waa naga ogeysiis, haddii aad ilowdeen……”
  • “Taariikhdu dadkay bartaa waxay doraad mareenee, taariikhdu dadkay bartaa dunida waayaheedee……..”

 

1. Arar

Sannadkii 1943 ayey dhalin yaradii gobanimo doonka Soomaaliyad ee ay SYL hormuudka u ahayd la dagaalameen Qabyaaladda, sidaas darteedna ay gobonimo Soomaalidu ku gaadhay loogana adkaaday gumaysigii ummadda soomaliyeed gumaysanayey muddada dheer. Markii xoriyadda la qaatay ka dib waxa ummadda Soomaaliyeed bilowday in ay u dagaalanto sidii ay u xoroobi lahaayeen ummadaha la gumaysto ee ku kala dhaqnaa Afrika, Asia iyo Laatiin Ameerika.  Halgamadaas oo ugu damayntii lagu guulaystey. Waa Su’aale maanta halkee xaalku inala maraya? Waxa hadda arintu inala maraysa in aynu ku murano sidii aynu u kala dooran lahayn “ Qabiil iyo Dowladnimo” iyo in dalalkii aynu xoriyadooda wax ka dhalinay ay maanta inoo soo gurmadaan si ay ammaankeena u ilaaliyaan”

“Dugsi ma leh qabyaaladi wax ay dumiso mooyaane”

Ayaan daro waxa ah in dalalkii aynu xoryidoodda u gurmanay ay manta u soo gurmadaan sidii ay ammaankeena u ilaalin lahaayeen, markii aynu dalkeena ku burburay dagaalo sokeeye iyo qabyaalad. Waxa nasiib daro iyo wax lala yaabo inay masuuliyiinta Soomaalida qaarkood ku doodaan in dalka qaybyaalad lagu hoggaamiyo iyagoo danta ugu badan ee ay ka leeyihiin ay tahay in ay kuraas ku helaan. Laakiin aaney ka fekerin aayaha iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

2. Halista 4.5

Doorashooyinka dalka Soomaaliya 2016 oo lagu saleeyo 4.5 waxa ay meel ka dhac ku tahay taariikhda Soomaaliya iyo halgankii uu u soo maray xoriyadiisa iyo sida uu ula dagaalamay qabyaaladda xiliyadii uu halganka ku jiray, taas oo ay u arkeen in qabyaaladu ay tahay furaha colaadaha, dib u dhaca iyo aaya xumada ummadda. Ku salaynta 4.5 doorashooyinka Soomaaliya oo ah hab qabyaaladii oo taaj loo xiray, waxa ay noqonaysaa astaan xun oo muujinaysa in Soomaaliya aaney u bislayn dowladnimo oo ay ku jirto xilli beeleed ka fog Qarniga 21 iyo halka bulshada Adduunku ay dowladnimada ka marayso.

3. Ciladaha 4.5,

  1. Kala qoqobnaan
  2. dib u dhaca demoqaraadiyadda
  3. fududeynta caddaalad darada
  4. Colaad joogta ah iyo aano qabiil;

 “Haadaan gun dheer iyo waa halis qabyaalidi”

4. Degmo

Markii dawladnimada la qaatay 1960, waxa 9 sanadood ee Dawladii Rayidka ahayd ay ka talinaysay dalka, xiliyada doorashooyinka lagu dhaqmay qaabka ku salaysan degmooyin. Waxa ay dadku isku raaci jireen Ra’yiga ee iskama raaci jirin qabiilka. Xisbiyadu uma kala xadaysnayn dalka oo degmooyin iyo reer uma qaybsanayn ee maagaalada uu doono ayaa xisbigu xafiis ka furan jiray.

5. Faa’idooyinka Degmada

1)  Horumarinta demoqaraadiyadda iyo hirgelinta dawladnimo wanaagga;

2)  Weyneynta caddaaladda iyo sinnaanta

3)  La dagaalanka Musuqmaasuqa;

4)  Horumarinta nabad geliyada iyo sugidda ammaanka;

5)  Is dhexgalka bulshada iyo la dagaalanka Kala qoqobnaanta

 

  1. 6.  Taariikhdaa Qormaysa

Masuul kasta oo ka mid ah madaxda Soomaalida waxa habboon in ay maanka geliyaan masuuliyadda saaraan, islamarkaas ay ogaadaan in taariikhdu qoreyso talaabo kasta oo ay qaadaan, tii xun iyo tii samba. Kuwa ayida adeegsiga 4.5, ha ogaadeen in ay ku qormayaan diiwaanka qabyaaladda iyo in ay ummadda ku dhuminayaan jid qaldan oo aan lahayn jid la sii raaco, ummaddana gabood fal ku ah. War hooy yaaney ummadda Soomaaliyeed idin eersan.

  • “Inamada la doortiyo abbaan duulahoodow, Ummaddaan xilkeediyo ammaaneydin saarane, waa naga ogeysiis, haddii aad ilowdeen……”
  • “Taariikhdu dadkay bartaa waxay doraad mareenee, taariikhdu dadkay bartaa dunida waayaheedee……..”

 

7. Gabagabadii, “meeshaadan huridoonin horaa loo takaa” . Mar haddii aan la hurayn in mustaqbalka deegmooyin lagu saleeyo doorashooyinka. Ma habboona in ummadda waqtiga loogaa dhumiyo wax aan raandiis dambe lahayn oo Shakhsiyaad ama Kooxo dan gaar lihi yey ummadda mustaqbalkeeda ku ciyaarin.

“Ilaahiin ka yaaboo aayaha ha bi’inina”

Baaq ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Bulshada Rayidka ah ee Puntland

About The Author