Villa Soomaaliya oo ku fashilantay afgambigii ay la damacsanaayeen hanaanka geedi socodka 2016 iyo Idaacadaha Muqdisho oo maanta bilaabay Canbaareynta Nicholas Kay

Warsidaha Puntlandi oo si dhaw ula socday ruwaayadii iyo isku daygii shalay  Xarakada Damal-Jadiid  ay ku rabtay in ay ku afduubaan masiirka ummada somaliyeed shirkii madasha  wadatashiga ee higsiga beenta ah ee 2016 ,kaas oo ku dhamaaday fashil iyo natiijo la’aan taas oo sababtay inuu baaqdo shirkii hiigsiga ee maanta loo balansanaa.

Bilawgii shirkii shalay waxaa hogaankii iyo habsami u socodkii shirkaba si jajuub ah u afduubay xubnihii kaadiriinta xarakada  Damuljadiid  iyo hawlwadeenada VIlla Soomaaliya oo ay horbodayaan nimanka dhalinyarada ah ee wasiirka arimaha Gudaha Cabdiraxmaan Odawaa iyo Wasiirka Qorsheynta Cabdikariin Caynte.

Shirweynihii loo balan sanaa in Masiirka ummada Soomaaliya looga hadlo ayaa waxaa hoolkii madasha shirka laga soo buuxIyey oo shirka xaabo lagu shido looga dhigay xubno ciida ka badan oo ka tirsan xarkada damuljadiid ama fakarka iyo daneysiga raqiiska ah ay shuraako ku yihiin, kuwaas oo loo soo xiray shaatiyadii faraha badnaa ee magaalada Muqdisho caanka ku aheyd marka wax la maroorsanyo ama shirar  goboleed ama mid caalami ah laga qeyb galayo.

Waxaa madasha la soo dhoobay oo kuraastii Ergooyinka shirka buuxiyey   Asxaabtii qiiro Jabaanka caanka ku ahaa oo shaarar qabiil oo kala duwan loo soo gashay, laakiin isku mabda’ wada aaminsanaa, kuwasoo lagu sheegay iney kala matalayaan Shacabka Soomaaliyeed, kooxda Villa Soomaaliyana markiiba  ay iska soo hormariyeen.

Koxahaa dhalanteedka ah ee Xamar kaliya ka dhisan, waxaa  ka mid ahaa  kuwa  shirka is yeel yeelkooda  laga joogi waayey  kuwo lagu sheegay Ururka Haweenka Qaranka Somaliyeed, Ururka Dhalinyarada Somaliyeed ,kuwo lagu sheegay Ururada  bulshada rayidka ah “Civil society” ,  ergo la siiyey magaca Gobolada hiiraan, Shabeelaha dhexe oo dad  laga keenay iyo Galgaduud iyo Bar Mudug oo iyana goob joog ah, ( Ogow dhamaan kooxahaasi magaca ummada soomaliyeed waxa ku donayaa waa wada reer Muqdisho) Waxaa u sii dheer Shariif Xasan oo loo wakiishay isagu inuu u jawaabo oo la murmo ergada Puntland iyo Jubbaland.

waxaa dhib ku noqtay ergooyinkii Puntland/Jubbaland iyo xubnihii beesha caalamka shirka ka joogay in la gudo galo ajandaha rasmiga ah ee shirka laysugu yimid oo ahaa in laga tashado hawlaha kala guurka ee higsiga beenta ah ee 2016, waxaana madashii shirka kooxda damuljadiid u badaleen goob tacsi iyo xus,ama siyaaro lagu qabanyo, waxaa dabada laysugu xiray shaqsiyaad la soo diyaariyey oo hadal iyo qiiro soomalinimo oo maran iska wada daba akhrinaayey,ujeedadooduna ay aheyd mid isku mid oo u adeegaysa masiirka iyo damaca waalan ee Xasan Sheekh oo ah inuu xukunka xoog ku sii haysto, isagoo adeegsanaya nidaamka ma dhaleyska ah ee 4.5, aakhrikii waxa shirku gaaray in qolyihii xildhibaanada ahaa ee la soo diyaariyey ay makaroofoonka kala boobaan,shirkiina fowdo iyo natiijo la’aan ku xirmo.

Wasiir Caynte,Hertage iyo ceebtii dhacday

Wasiirka Qorsheynta Cabdikariin Caynte ayaa shalay si qarsoodi iyo fadeexad aheyd shirka iyo xubnihii beesha caalamka ugu gudbiyey darasaad cilmi baaris ah oo uu yiri waxaa diyaarisay hayada uu isagu leeyahay ee Heritage, warbixinta oo mudo  la qarsanaayey ayaa shalay la goostay in madasha shirka lagu afduubo, warbixinta ayaa lagu sheegay in ummada somaliyeed 51% ay doonayaan in nidaamka 4.5  lagu saleeyo doorashada 2016 , waana  plan B ugu qarsoonaa Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.

Heritage Institute  oo Caynte leeyahay ayaa been abuurkaas cilmibaaris ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay 51% ay doonayaan in doorashada 2016 ay noqoto mid ay Madax Dhaqameedka soo xulayaan Xildhibaanada sidii 2012. Hase yeeshee waxey warbixintooda ku sheegen ereyadan “si nabad ah awoodda loogu wareejin karo sanadka 2016″ Maxey tahay sababta ay ereygan u isticmaaleen oo ay u oran waayeen doorashada 2016 oo cid walba ay ku guuleysan karto, halka ay ka yiraahdeen in awooda la wareejiyo oo ah erey aan ku habbooneyn cilmbaaris la rabo inay dadka oo dhan u sinnaato.

Tirada Hayada been abuurka ee Heritage wax qiyaastay ayaa sidan ah

Tirada guud 1287 qof

Banaadir 360 qof

South Galkacyo 230 qof

Garoowe 227 qof

Baidoa  237 qof

Kismaayo 232 qof

Idaacadaha Muqdisho oo bilaabay olole lagu ceebaynayo laguna Cambaareynayo Beesha Caalamka iyo Nickolas Kay

Damu Jadiid Fashilkii ka qabsadey shirkii shalay waxay maanta bilaabeen iney kiraystaan Saxaafadaha Muqdisho (Idaacadihii Xasuuqa Ruwaanda) Waxayna u qaybiyeen Qoraalo lagu Cambaareynayo Beesha Caalamka iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nickolas Kay.

Xigasho: Puntlandi

About The Author