Isku Shuban oo maanta lagu dilay Askar ka tirsan ciidanka Puntland

0

Nin shacab ah ayaa saaka degmada Isku shuban ee Gobalka Bari ku dilay labo Askari oo ka tirsanaa ciidanka badda Puntland iyo ciidanka booliska.

Isku Shuban ayaa waxaa ka jiray xiisad laba beelood waxaa shalay soo gaaray Taliyaha ciidanka booliska Gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen iyo Odayaal kale kuwaasoo waday dadaal lagu dhexgalayo beelo dagaal ku dhexmaray degmada.

Dilka labadai askari ayaa caqabad ku noqotay waanwaantii socotay  oo mid ka mid ah askatan uu degmada u yimi sidii arintan taagan loo dhamayn lahaa.

Sida wararka lagu helayo Askariga Booliska ah Aabihiis ayaa wuxuu horey u dilay ninka maanta wax dilay walalkiis taasoo sabab u ah ayay dadka deegaanku ii sheegeen balse xaaladu way kacsan tahay ilaa wali.

Ma jiraan cid ilaa iyo hada ka hadashay falkan lagu dilay labada askari haday noqon lahayd wasaarada Amniga Puntland ama maamulka Bobolka iyo kan degmada.

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *