Madaxwaynaha Dawlada Puntland ”Puntland waa qani waxayna leedahay Khayraad Muhiim ah”

0

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay mar uu waraysi siiyey ETV  in dhul qaali ah oo ay ku jiraan khayrad muhiim ah  bad iyo berriba ay lee dahay Puntland, Wuxuuna Dr Gaas u booriyey Shacabka iyo Dowladda Puntland in la gaaray waqtigii ay ka faa,iidaysan lahaayeen Khayraadka dalkooda ku jira.

632

633

Gr Gaas wuxuu cadeeyey in Wada shaqaynta dhinaca Amaanka iyo la dagalanka Argagixisada iyo Horumarinta Ganacsiga Puntland uu kala dhaxeeyo Dowladda Ethopia oo xiriir wanaagsan ay leeyihiin Dowlada Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Dr. Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in Dowladda Puntland ay diyaar u tahay in maalgashi sharciyaysan laga samaysto dalkeeda,waxana uu ugu baaqay wadamada dariska ah in ay si hagar la,aan ah uga qayb qaatan hurumarka wanagsan ee ka soconaya gudaha Puntland.

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *