Xasan Culusoow oo magacaabay wax uu ugu yeeray guddiga dhismaha maamulka Gobollada Dhexe

0

War qoraal ah oo ka soo baxay kooxda Xasan Culusoow ayaa lagu sheegay maanta in lagu magacaabay guddiga farsamo ee maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Liiskan o oka kooban 27-xubnood ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

01. Cismaan Ciise Nuur
02. Xaliima Ismaaciil Ibraahim
03. Daahir Xasan Guutaale
04. Cabdi Faarax Jaamac
05. Dr. Khaliif Xirsi Cali
06. Iimaan Xasan Jiiroow
07. Daahir Wehliye Siyaad
08. Maryan Cabdi Geeddi
09. Cabdullaahi Cabdi Cabdulle
10. Maxamed Axmed Maxamuud
11. Cabdullaahi Maalin Gaafow
12. Axmed Dubad Cali
13. Cumar Maxamuud Mahad-Alle
14. Cabdiraxmaan Maxamuud Macalin.
15. Cumar Cali Rooble
16. Maxamuud Aadan Cusmaan
17. Cabdullaahi Muuse Maxamed
18. Maxamed Xaashi Cabdi (Garabey)
19. Cabdi Daahir Maxamed Xareed
20. Durraan Cali Farey
21. Farxiyo Afweyne Sheekh –doon
22. Xareed Cali Xareed
23. C/nuur Macali Maxamuud
24. Cowke Xaaji Cabdiraxmaan
25. Khadiijo Cadaan Cusmaan
26. Juneyd Ismaaciil Cigalle
27. Cabdullaahi Xuseen Cali

Shaqada Gudi ku sheega

Guddigan ayaa la sheegay inay ka shaqeyn doonaan qaabkii lagu boobi lahaa Gobolka Mudug oo Puntland ka taliso, sidoo kalena waxay abaabuli doonaan colaad ka hurta degaanadaas nabdoon. Waxaana kooxdan hormuud u ah Xasan Culusoow, Cabdiqaybdiid, Axmed Diiriye iyo Oday Xaad.

Magacaabidda guddigan ayaa waxay ku soo aadaysaa xilli Villa Xamar lagu saxiixay 30-kii bishii july wax loogu yeeray heshiis lagu dhisayo maamul ay yeeshaan labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud.

 

Dowlada Puntland

Waxay qaadatay kooxda Xasan Culusoow wado dagaal iyadoo si cad u rabta in ay u boobto Gobol ka mid ah Puntland aysana maamulin kooxda Culusoow. Dowlada Puntland iyo shacabkeeduba waxay cadeeyeen insan yeeli doonin in la boobo dhulkooda isla markaasna lagu tunto dastuurkii ummaddu ku heshiisay.

Waxay ahayd 31 dii july markii dowlada Puntland ay xiriirkii awalba sharcidarada ahaa u jartay Xasan Culussow iyadoo si cad u cadaysan in aysan ogolaandoonin in Mudug la boobo.

20 kii agoosto waxaa caasimada Puntland ee Garowe ka soo baxay digniin kama dambays ah loogana digay damaca xun ee reer Culusoow rabaan in ay ku boobaan Gobolka Mudug. Waxaa kaloo loogu baaqay fagaare ay beesha caalamka goobjoog ka tahay in lagula xisaabtamo xasan Culusoow lakiin sidii hore loo sii ogaa ayey ku sii socdaan reer Culusoow ismaqiiqii.

Su,aasha dad badan iswaydiinayaan waa maxay tahay talaabada ay qaadayso xukuumada Gaas?

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *