Dhagayso: Beesha Mareexaan (Sade) oo Diiday maamulka Culusoow iyo Kooxdiisu horboodayaan ee ”Gobolada Dhexe”

0

Gaalkacyo (Pes): Xildhibaano, siyaasiyiin iyo waxgarad oo ka soo jeeda Gobolka Galgaduud (Mareexaan) ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Xamar waxay ganafka ku dhufteen qorshaha guracan ee uu hor ordayo Xasan Culusoow madaxweynaha xamar oo uu ku doonayo in uu uu maamul aan dastuurkii lagu heshiiyey aan waafaqsanayn ugu dhiso Baraxleey iyo Gobolka Galgaduud.

Shirkaas ayaa waxaa ka soo baxay bayaan ka kooban 6 qodob iyagoo ku sifeeyey bilaa sharci aan qaynuunka wadanka waafaqsanayn.

Xildhibaan Nuur Faarax oo ka mid ahaa xil. Shirka ka qaybgalay ayaa sheegay in cida kaliya ee dastuurku u ogol yahay dhisida maamul ay tahay shacabka dega meesha maamulka loo samaynayo

 

Villa Xamar ayaa ku dhawaaqay 30 kii july in wax loogu yeeray heshiis lagu dhisayo maamul Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Dowlada Puntland iyo shacabkeeda ayaa diiday maamulkaas maadaama uusan waafaqsanayd dartuurkii lagu heshiiyey.

 

Halkan ka dhagayso baaqii

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *