Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland iyo danjiraha dawladda Turkiga ee Soomaaliya oo kulan gaar ah wada qaatay

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u joogaa magaalada Muqdisho ayaa maanta 31-05-2016 kulan quraac sharaf ah la qaatay danjiraha dawladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador  Olgan Bakar, waxaana kulankaasi uu ka qabsoomay xarunta cusub ee safaaradda ee dawladda Turkiga ee magaalada Muqdisho, taas oo dhowaan la daah furi doono.

Kulanka quraacda ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf iyadoona quraacda kadib ay Madaxweynaha iyo danjiruhu wada qaateen kulan gaar ah.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa  waxa ay ka wada hadleen marxaladdaan  kala guurka ah ee dalka Soomaaliya uu  ku jiro   iyo doorashooyinka 2016-ka ee uu dalku wajihi doono iyo doorka siyaasadeed ee dawladda Puntland ay ku leedahay dalka Soomaaliya.

Sidoo kale danjire Olgan Bakar ayaa Madaxweynaha dawladda Puntland ku marti qaaday  in uu kala soo qayb galo munaasabadda daahfurka dhismaha cusub ee safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, taas oo uu si rasmi ah xarigga uga jari doono Madaxweynaha dawladda Turkiga Reccep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey  danjaha dawladda Turkiga sida wanaagsan ee u soo dhoweeyey isla markaana waxa uu ka aqbalay marti qaadka ay dawladda Turkigu u fidisaday ee ah in uu kala soo qayb galo xafladda daahfurka dhismaha cusub ee Safaaradda.

Dhismaha cusub ee safaaradda dawladda Turkiga ee dalka Soomaaliya ayaa ah mid si casri ah loo dhisay isla markaana  loo qalabeeyey, sidoo kalena waxa uu  noqonayaa dhismaha ugu weyn safaaradaha dawladaha caalamku ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa maalmahan sii wadan doona kulamada kala duwan ee uu la qaadanayo Madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxda maamulada kale ee dalka kajira, kulamadaas oo looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

IMG_0059IMG_0063IMG_0067IMG_0068IMG_0069IMG_0070IMG_0072IMG_0081IMG_0083IMG_0131IMG_0096IMG_0146IMG_0150IMG_0189IMG_0193IMG_0200IMG_0204IMG_0209IMG_0211IMG_0215IMG_0236

About The Author