Sawirro: Gudiga Iskudhafka Ciidanka Xooga DFS oo Maanta Gaarey Garoowe

31 May 2016 (Puntlnades) Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa waxaa maanta soo gaarey xubno katirsan gudiga iskudhafka ciidanka xooga qaranka dalka Soomaaliya, oo kayimid Muqdisho.

Waftigaani ayaa waxaa xerada 54aad ee duleedka waqooyi ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey ma’uuliyiin uu kamid ahaa taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland General Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere).

Ujeedka waftigaani ayaa ah sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen ciidanka xooga dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Daraawiishta ee kusugan deegaamada Puntland iyadoona ay warbixin kadhegeysteen saraakiisha ciidanka.

224-7a

224-7a2 224-7a3

Puntlandes.com

About The Author