Daawo Sawirada: M/K Jubaland oo Turkiga booqasho ku jooga iyo DFS oo ishortaagtay sidii caadada u ahayd Mashaariic laga fulin lahaa Jubaland

0

Waxaa wadanka Turkiga booqasho ku jooga Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlada Jubaland Gen.Cabdullaahi Sheekh ismaaciil fartaag.

Madaxweyne Xigeenka ayaa la Tilmaamayaa in halkaasi uu u gaaray isku xirka Dowlada Turkiga iyo dowlada Jubaland oo iyagu lagu wado inay Howlo Mashaariic ka fulinaaya Magaalada Kismaayo.

Booqashada Fartaag ee Dalka Turkiga ayaa waxaa diidmo ka muujiyay DFS ta Xamar oo iyadu Tilmaantay in Mashaariicda laga fulinaayo Kismaayo lala baalmaray sharciga Dalka, islamarkaana aysan waxba kala socon DFS.

Ugu dambayntii waxay wararku sheegayaan in Fartaag ay DF ka hor istaagtay Mashaariicdaasi, waxaana la Tilmaamayaa in Dowlada dalkaasi lagu wargaliyay inaysan Mashaariic aysan raali ka ahayn DF ka fulin Karin Kismaayo.

Booqashada Gen. Fartaag ee Dalka Turkiga, ayaa waxa ay imaaneysaa xili halkaasi ay ku sugan yihiin Wafdiga DF ee ka qeybqaadanaayay Caleema saarka Madaxweyne Rajab Dayib Erdugaan.

Dhanka kale, Fartaag ayaa waxa uu Magaalada Istanbul kulan kula yeeshay hogaanka siyaasada xisbiga AK party Haydal Ali xildhibaan Zafar Tahmaz iyo Maxamed Erdgan oo adeer u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan

 

Hoos ka daawo sawirada
74

75

76

77

78

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *