Daawo sawirrada Wafdigii Amiirka & Fanaan Axmed C. Cigaal oo Jigjiga ku kulmay

26 Nov 2017 (Puntlandes) Maanta ayaa Jigjiga waxaa ku kulmay Wafdigii uu hogaaminyey Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise iyo Fanaanka wayn ee Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal.

Munaasabadda maanta ayaa waxaa soo qanban qaabisay Xildibaan Ifraax Qorax oo ka tirsan Baarlaamnka Faderaalka Itoobiya, waxaana ku weheliyey Xildhibaano kale oo heer Faderaal ah waxayna ka dhacday Guriga Xildhibaan Ifraax.

Sidoo kale waxay ku saabsanayd soo dhawaynta Xubno dibada uga soo biiray wafdiga iyo Fanaan Cigaal. Xubnaha wafdiga ku soo biiray ayaa ka yimid london ayaa kala ah Maxamuud Cabdullahi Cigaal Caymo iyo Mukhtaar Sheikh Cismaan.

Waxa kale oo ka qayb galay munaasabdda xildhibaano deegaanka DDSI ah iyo marti sharaf kale oo kasoo jeeda DDSI.

Wafiga Amiirka oo labo qaybood kala ah ayaa ka kooban Odayaasha kala ah Caaqil Dagar Ilka Wayne, Huruse Xaashi, Shekh Cabdulqaadir Urbarwaaqo, halka dhanka qurbahana ay ka yimaadeen Bashir Abshir Gaas, Dhabac Abshir Caynshe, iyadoo ay maanta kusoo biireen labo xubnood.

Daawo sawirrda
23c

23c1

23c2

23c3

23c4
Puntlandes.com

About The Author