Sawirro: Wasarada Xanaannada Xoolaha Puntland oo Daahfurtay Ololaha Daaweynta 750,000 Neef

27 Apr 2024 (Puntlandes.com) Maantay oo ahayd Maalinta Xannaanada Xoolaha Aduunka ayaa Wasarada Xanaannada Xoolaha Dowlada Puntland ka qabsoontay Xaflada Daahfurka Ololaha Daaweynta Xoolaha Puntland waxaa ka faaidaysanaya 12,500 oo Qoys oo Xoolo dhaqato ah halka Xoolaha inta loogu talagalay inay ka Faidaystaan 750,000 oo Neef Mudo bil ah

Munasibadan waxaa kasoo qayb galay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxwayne kuxigeenka Dowlada Puntland Mudane ilyaas Osman lugatoor, Wasiirka Wasaarada Wasaarada Cafimaadka Puntland ,Wasiirka Wasarada Xanaanada Xoolaha puntland, Wasiir kuxigeenka Wasaarada Xananada xoolaha, Wasiiru Dowlaha wasarada xanaanada Xoolaha, Agaasimaha guud xananada xoolaha iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada puntland .

Ugu horeyn waxaa munasibada ka hadlay Agaasimaha guud xananada Xoolaha xasan Maxamed ciise goodir
Wasiirka Wasarada xannaanada Xoolaha Puntland ayaa kusoo dhaweyey Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxwaynha ilyas osman Lugatoor.

About The Author