Sawirro: Madaxweynaha Puntland & Wefti Balaaran uu Hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaamianyo ayaa maanta 19 Sep 2018 safar shaqo oo taariikhi ah ku gaadhay gobolka Sanaag, weftiga Madaxweynaha ayaa ku horeeyey magaalooyinka Cawsane, Middigale, Gumar, iyo Rad. Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dawladda Puntland, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka DFS, saraakiil ka tirsan Madxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa waxaa ay ugu horayn kormeereen barta ay yaaliin qalabka daamurka lagu saarayo wadada Ceeldaahir -Ceerigaabo oo yaal duleedka magaalada Ceeldaahir, Madaxweynaha ayaa kula kulmay halkaasi qaar kamid ah guddiga wadada iyo farsamayaqaanada wadada dhisaya, Madaxweynaha Puntland oo lagalay masuuliyiinta wadada dhismeheeda gacanta ku haya ayaa ku amaanay shaqo wanaag iyo hawlkarnimo.

“Runtii guddiga dhismaha wadad Ceeldaahir – Ceerigaabo waan hablayaynayaa iyaga iyo shaqaalaha dhisaya wadada waxay qabteen shaqo wanaagsan, waxa badan oo aan qabsan karno ayaan kaga mashquulaa wax aan qabsan karno inaga oo isku tashanayna, dhismaha wadadani waxay inna tusinaysaa faa’iidada uu leeyahay isku tashigu, waxaaan maray wadadan December 2013 waan garanayaa dhibtii iyo shidadii ay lahayd runtii xasuus badan bay nagu reebtay’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxwenaha Puntland iyo weftigiisa ayaa intaasi kadib ayaa usoo kicitimay magaalda Badhan oo safarkiisu ku wajahnaa, iyaga oo kusoo hakaday magaalada Cowsane,halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen guddoomiyaha gobolka Sanaag, masuuliyiinta magaalada, Isimo, nabadoono, waxgarad iyo shacabka magaalada Cawsane oo dhammantood banaanka magaala u taagnaa soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha oo lahadlay shacabka magaalada Cawsane ayaa uga mahad celiyey soo dhoweynta heerkeedu sareeyo ee ay ku qaabileen Madaxweynaha iyo weftigiisa,

‘“aad iyo aad ayaan idiinka mahadnaqayaa soo dhoweyntiina shacabka reer Cawsane, waxaan ku faraxsanahay inaan idiin nimaadno, waan jeclaa hadda kahor inaan gobolka imaado oo aan soo booqdo balse nasiib wanaag maanta ayay noqotay inaan imaado, socdaal kaygani ma aha socdaal musharaxnimo, waa socdaal shaqo oo aan ugu kuur gelayno furidda mashaariicda waaweyn ee gobolka aan ka hirgelinay’ ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntlnad”

Weftiga Madaxweynaha oo sii wata safarkooda shaqo ayaa gaadhay magaaladda Middigale oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee gobolka Sanaag, Madaxweynaha iyo weftigisa aya Middigale kala kulmay soodhoweyn iyo shucuur wanaagsan oo ay ka muuqado rabitaan dawladdnimo, Madaxweynuhu wuxuu shacabka Middigale u aqbalay codsi ay usoo gudbiyeen oo ah in magaalada laga dhigo degmo, isla markaana waxa uu u xaqiijiyey in Middigale tahay magaalo istaraatiijig ah oo ku haboon degmo.

“Soo dhoweyntiinu aad ayay noo dhiiri gelinaysaa, noo farxad gelinaysaa waan ku faraxsanahay inaan Middigale markale nimaadno Middigale, inaan shacabka is warsano, kulano oo kala xogqaadano waa waajib dowladnimo oo nasaaran, Middigale waa is taahishaa degmo waana ka shaqaynaynaa sidii ay u noqon lahayd” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntlnad. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada Gumar ee gobolka Sanaag, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey nabadoono, masuuliyiin, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi, Madaxweynaha ayaa magaalada Gumar kula kulmay shacab qaxootiya oo kasoo qaxay Itoobiya, kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland iyo shacabka magaalada.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Gumar ka dhagax dhigay ceel biyood ay yeelan doonto magaaladaasi, waxaana uu amray Madaxweynuhu in ceel biyood kaasi loo hirgeliyo sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan, isla markaana waxa uu Madaxweynaha iyo weftigiisa usoo gudbeen magaalada Rad, halkaasi oo ay kala kulmeen shacab aad u tira badan oo u heelanaa soo dhooweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen magaala madaxda gobolka Sanaa gee degmada Badhan, waxaa kusoo dhoweeyey maamuulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dawladda Puntland, ururada bulshada rayid ka ah, isimo, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin aqoonyahano, bahda wax barashada degmada iyo dhammaan shacabka magaalada Badhan oo dabiyo.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Qasrigiisa kuyaalla degmada Badhan ku booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire, halkaasi oo uu Madaxweynaha ugu soodhoweeyey si habmaamuuskeedu sareeyo.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa degmada Badhan iyo guud ahaaba gobolka, waxaana uu xusay suldaanku in maanta ay tahay maalin tariikhi ah gashay baal dahab ah.

‘’Maanta waxay inoo tahay maalin tariikhi ah oo aannu kusoo dhoweynayno Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa, waxay soo booqdeen dalkiisa iyo dadkiisa isaga oo balan qaaday mashaariic badan berigu musharaxa ahaa, waxaan marag ka nahay inay fuleen uuna maanta u yimid midha dhalkooda, soomaaliya ninkii ugu horeeyey oo wax la taaban karo qabta waa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas’ Ayuu yiri Suldaanku.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka reer Sanaag soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey, sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntlnad ayaa shacabka degmada Badhan uga mahadceliyey soodhoweyntooda qiyaas la’aanta ah ee wanaaggu ku dheehan yahay.
                                      

Puntlandes.com

About The Author