Gen Townsend;”Al-Shabaab waxaa uga daran Soomaaliya waa Muddo Kororsiga”

23 April 2021 (Puntlandes) Taliyaha Milatariga Mareykanka ee taliska AFRICOM General Steph Townsend ayaa khamiistii u sheegay golaha Senete-ka Mareykanka in welwelka ugu badan ee haatan ka jira Soomaaliya aanu aheyn Al-Shabaab, laakiin uu yahay deganaan la’aanta siyaasadeed ee aan xallin karin caqabadaha.

Caqabadahaas ayuu sheegay kuwa ka dhex aloosan dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ee aan laheyn tanaasulka, kuwaas oo salka ku haya kordhinta muddo xileedka madaxweynaha oo uu ku sheegay inay ka baxsantahay dastuurka Soomaaliya.

“Saameynta ugu weyn ee amniga Soomaaliya haatan ma aha Al-Shabaab, waa xasaradda siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada. Muddo krorosiga ka baxsan dastuurka ee xilka madaxweynaha,taasi waa caqabaddeenna ugu weyn, sida aan filayo, hadda,” ayuu yiri Jeneraal Townsend,

Jeneraalkan ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka maamulkii Trump ee ku aadan ka soo saaristii ciimadama Mareykanka ee joogay Soomaaliya uu abuuray caqabado hor leh oo ku aadan la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab.

“Lama dafiri karo in ka saaridda ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay abuurtay jahwareer iyo khatar hor leh,Fahamkeenna waxa ka dhacaya Soomaaliya hadda waa ka yar yahay sida markii aan gudaha joognay,” ayuu hadalkiisii ku daray.

About The Author