AMISOM oo la faray inaysan ku milmin Siyaasada Soomaaliya

29 April 2021 (Puntlandes)  Shir ay yeesheen Guddiga Isuduwaha ee Ciidamada iyo Booliska Wadamada ku tabarrucaya Booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) 28-kii Abriil ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku aadan xaalada dalka Soomaaliya iyo sida ay AMISOM ka yeeli lahayd xaaladaas.

War Murtiyeed ka soo baxay kulankan ayaa loogu baaqay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM inaysan ku milmin siyaasadaha is diidan ee dalka Soomaaliya ayna noqdaan kuwo dhexdhexaad ah.

Kulankan oo uu shir guddoominayay H.E. Danjire Bankole Adeoye, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga (C-PAPS), ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka socda wadamada Burundi, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone iyo Uganda iyo AMISOM.

Sidoo kale War Murtiyeedka ka soo baxay shirkan ayaa lagu cambaareeyay go’aanada Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha ee muddo kordhinta.

“Kulanku wuxuu sii xaqiijiyey Heshiiskii 17 Sebtember 2020 oo ah dariiqa loo maro wada-xaajoodyada ku saabsan qaababka doorashooyinka ee Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo ka-qayb-galkeeda oo ah hannaan ay Soomaaliya leedahay oo ay maamusho Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah, Xisbiyada mucaaradka iyo bulshada rayidka” ayaa lagu yiri war murtiyeedka.

About The Author