Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntey Cabdirisaaq Axmed Buraale

21 June 2021 (Puntlandes) Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey Cabdirisaaq Axmed Buraale oo ka tirsana Shabakaddi Maxamed Cabdi raage Indhabuur.


Buraale ayaa horey Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee gobolada Mudug iyo Cayn waxay ku xukuntay dil kadibna waxaa xukun xabsi daa’in ah ku bedelay Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland, kaas oo Xafiiska xeer ilaalintu ka qaatey Dib u eegis Maxkamadeed ay maanta maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah.

 

Puntlandes.com

About The Author