Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Deni oo qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya

20 June 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka.



Puntlandes.com

About The Author