Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddiga Dib u heshiisiinta Gedo

29 June 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen  Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Gedo oo ka kooban afar xubnood oo heer Wasiir ka socda afarta Dowlad Goboleed ee Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, kuwaasoo safar ku tagaya Garbahaarey.

Xubnaha guddigan oo afar xubnood ah ayaa waxa ay ka la yihiin:

  1. Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle.
  2. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.
  3. Axmed Madoobe Nuunow Wasiirka Qorsheynta Koofurgalbeed
  4. Aadan Cismaan Xuseen Wasiirka Boosta iyo Isgaarsiinta Galmudug.

Puntlandes.com

About The Author