Sawirro-Muuqaal: Ra’iisul Wasaare Rooble oo u furay tababar Guddiga Doorashooyinka

30 June 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Dalka heer federal iyo heer dawlad goboleed tababarkan ayaa socon doona mudo afar cisho ah.

Guddiyada Doorashooyinka ee heer federal iyo heer dawlad goboleed ayaa muhiim u ah hannaanka doorashooyinka dalka, waxaana la filayaa in dhawaan ay si toos ah u guda galaan howlahooda.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana gudiyadda kula dardaarmay in ay si daahfuran oo caddaalad ah u maamulaan hawlaha doorashooyinka ee loo igmaday.

Jadwalka doorashada ayaa shalay loogaga dhawaaqay shirkii Madasha Qaran iyadoo la shaaciyay in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 10ka Oktoobar 2021.



Puntlandes.com

About The Author