Daawo Paratrool-Xumada Maamulka Gaas Iyo soo dhoweyntii Raisal-Wasaaraha

Xukuumada Xaflad Joog ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Gaas, Ayaa Maalin walba Ummada Puntland Fadeexad Baratokool Xumo u keenta. Dhacadadii ugu dambeysay ee Shalay Oo aheyd Maalintii lasoo dhoweynayay Raisal-Wasaaraha Somalia Cumar Abdirishiid, Waxaa Garowe ka dhacdey Fadeexad Taariikhki ah. Fadeexadan ayaa la Arkay Hal mar oo kaliya Markii laga soo dajiyay Goobta Salaanta laga qaato Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Eng Camey Iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Taas badalkeedi waxa ku xigay in General Siciid Dheere oo Salaanta la qaato Labada Masuul ee kala ah Raisal-Wasaare Cumar Abdirishiid Iyo Madaxweyne Gaas, Waxaa wax lala yaabo ah Taliyihii Ciidanka ee Salaanta bixin lahaa ayaa Salaanta qaatay?? Waxaa Iyana kasii daran Madaxweyne ku xigeenkii oo jooga in loo ogolaado Taliyaha Ciidanka inuu Masraxa Salaanta koro?? Khuburada ku Takhsustay Habmaamuuska Dowladnimada ayaa aad uu la yaabtay Habdhaqanka Dowlada Gaas, Waxana ey sheegeen in Arintan ey tahay Fadeexad Qaran oo loo baahan yahay in Raaligalin laga siiyo Shacabka Puntland. Dowladnimadii laga filayay Madaxweyne Gaas ayaa isu badashay Maamul-xumo Iyo Baratokool xumo. Waxaan Sawirada idin kugu soo Lifaaqney Sawir hore oo uu Madaxweyne Faroole kusoo dhoweeyay Magaalada Garowe, Madaxweynihii Xiligaas joogay Shariif Axmed, Iyo Raisal-Wasaare Gaas, Halka Dhanka Middig ee Madaxweyne Faroole uu ka taagnaa, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Abdisamad Ali Shire. Isku soo wada duub Fadeexadaha dul-hoganaya Dowlada Xafladjoog ayaa dhabada u xaaraya Quus Shacab Iyo Rajo dowlad la’aan Waxana ey tani muujineysaa Hogaan Xumada Madaxweyne Gaas Iyo Tayo Xumida Dowlada uu Hogaamiyo.

1974

 

1974

Puntlandes.com

 

About The Author