Sawiro: Qaxootigii ugu badnaa oo Bosaso soo gaarey

Dekedda magaalada Bosaso waxaa galabta kusoo xiratey doon siddey 260 qof oo kasoo qaxay dalka Yemen.  Dadkan oo ka kooban j rag, dumar iyo carruur ayaa dhammaantood Soomaali ah, waxase ku jirey tobaneeyo qof oo iskadhal ah.

Markii ay doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas’uuliyiin dowlada ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, duqa degmada Bosaso, taliye ku-xigeenka booliska Bari, isimmo iyo xubno ka socdey hay’adaha Bisha Cas iyo IOM.

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo loo qaybiyey labo qaybood. Ragga si gaar ah ayaa loo soocey dumarka iyo carruurtana hal goob ayaa laysugu geeyey.

Daawo sawiro
1972

1972a

1972b

1972c

1972d

1972e

1972f

1972g

1972h

1972j
Puntlandes.com

About The Author