Wasiirka Qorshaynta DFS Ceynte oo wata in Puntland u saxiixdo in wixii Xiriir dibadeed ah uu isagu matalo

Waxaa Magaalada Garowe ku sugan Wafdi uu Hogaaminayo Raisal Wasaaraha DFS Cumar Abdirishiid Ali Sharmaarke. Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DFS Caynte. Wasiir Ceynte ayaa wata Qorshe khatar ku ah Ummada Puntland, kasoo uu Wasiir Caynte kasoo saxiixay maamulka Jubalanad ee Axmed Madoobe iyo kan Shariif Xasan KG.

Qorshahan ayaa ah In wixii xiriir Dibadeed ah ay Puntland isaga uga Danbeyso oo ísagu matalo. Hadaba ma tahay waqti ku haboon, mana lagu aamini karaa Kooxda Villa Somalia ka talisa aayaha Puntland. Waxa kaliya oo aynu ku baranay waa duminta Puntland ninkaasna wax ii dhis ma oran kartaa?

Puntlandes.com

About The Author