Ban Ki-moon oo canbaareeyey weerarkii shaqaalaha UN-ka ee Garowe ka dhacay

ban-ki-moon-2011-2-4-7-10-11Bayaan ka soo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa si adag loogu canbaareeyey weerarkii Subaxnimada Isniinta ka dhacay caasinmadda Puntland ee Garowe kaas oo la aaminsan yahay in uu fuliyey qof naftiisa haligey oo bom isku xirey.

Weerarkan oo ururka al-Shabaab shegetey waxaa ku dhintey 4 kamid ah shaqaalaha hay’adda UNICEF, laba waardiye iyo kii is qarixiyey oo todoba ku ah.

 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy dhamaan dadkii dhibtu ka soo gaartey weerarkaas, oo helekoodi ku waayey, waxaana uu caafimaad u rajeeyey kuwii ku dhaawacmey. Mr. Ban Ki-moon ayaa si adag u canbaareeyey weerarka lagu qaadey shaqaalaha Qaramada Midoobey, kuwaas oo ka shaqeynaayey arrimaha bini’aadanimada hormarinta, gacan siinaayey dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan caruurta dalka, kuwaas oo baahi gaar ah qaba, ayuu yiri Ban Ki-moon.

Xoghayaha Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa sheegey in falalka argagixisada ee caynkan oo kale ah aysan ka joojineyn taageerada Qaramada Midoobey ay la garab taagan tahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, sida soo celinta nabadda iyo barwaaqeynta dalka.

Halkan ka akhriso qoraalkii ka soo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon

Statement attributable to the Spokesman for the Secretary-General on UN Staff in Garowe, Somalia

New York, 20 April 2015

The Secretary-General expresses his outrage at the attack this morning on a UN vehicle in Garowe, Somalia’s Puntland region. The attack resulted in the death of seven people, including four UN staff, and injury to several others.

The Secretary-General conveys his deepest condolences to the family and friends of the victims, and wishes the injured a speedy recovery. He condemns in the strongest terms this attack against UN staff who are working to provide humanitarian and development assistance to the people of Somalia, including the country’s children, many of whom are in desperate need.

The Secretary-General reiterates that terrorist attacks will not erode the commitment of the whole United Nations family to supporting the people and Government of Somalia in rebuilding peace and prosperity in their country. He expresses his thanks for the dedication of UN staff serving in Somalia, and reiterates that such barbaric attacks will not diminish the United Nations’ resolve to continue working for the cause of peace in the country.

About The Author