Akhriso qoraalo xiiso badan: Puntlandes oo soo Xuuraantay Guuxa dadweynaha Puntland ee Facebook

Garowe (Pes)  Waxaa maanta Caasimada Puntland ee Garowe ka dhacay Qaraxa aad u wayn oo  lagu weeraray mid ka mid ah gaadiid qaada shaqaalaha  Qaramada Midoobay ee ku sugan Caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe. Waxaana weerakaas ku dhintay shaqaale UN iyo Soomaali ah.

Hadaba dhacdadan oo ah mid aan waligeed ka dhicin Caasimada Puntland ayaa waxay shacabka reer Puntland banaanka u soo dhigtay dayaca ay Puntland Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Dr Gaas dhigtay.

Warbaahinta madaxbanaan ee Puntlandes ayaa waxay isha soo marisay Barta Bulshadu ku xiriirto ee Facebook iya waxa ay shacabka reer Puntland isku waydaar sanayaan. Waxyaalihii ugu badnaa ee laga soo jeediyey Facebook waxaa ugu muhiimsanaa madaxweyne cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo laga Codsanayey in uu iscasilo inta aan codka kalsoonida lagala noqon. Waxayna u qornayd sidatan:

Cabdiweli Gaasoow Iscasil intaan lagu casilin!

Tan iyo markii uu xilka hoggaanka Puntland la wareegay Cabdiweli Gaas, waxaa isa soo tarayey dhibaatada iyo hoos u dhaca ku imanayey Puntland oo sanooyin badan ku caanamaashay nabad iyo maamul. Waxaan horay u sheegay in hoggaanka jilicsan ee Cabdiweli Gaas ee Putland uu qiimo badan ugu kici doono dadka Puntland haddii ay ahaan lahayd dhinaca nabadda, midnimada iyo wadajirka Puntland.

Kooxda Isbedeldoonka ee Puntland ee lagu naanaysay Xaflad-joog, waxay waqtigooda geliyaan waxyaalo aan dan u ahayn Puntland, waxana ay meel kasta u dhiibeen dad aan khibrad llahayn oo u badan qurbo-joog. Waxaa aad u shaqeeya qabyaalada iyo reeraysiga, iyadoo ay khatar ku jirto helitaanka wixii la isku oran jiray Puntland ee shanta gobol ka koobnaa oo manata la hayo laba gobol oo kala ah Nugaal iyo Bari.

Kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab waxay qarka u saarantahay inay gebi ahaan la wareegto magaalada dekeedda ah ee Boosaaso oo uu ka soo xeroodo dakhliga ay Puntland ku shaqayso.Kooxdan waxay ka faa’iidaysatay hoggaanka jilicsan ee Cabdiweli Gaas iyo kartidarrada maamulkiisa oo sababay in bilooyin xilka laga qaadi kari waayo taliyayaal ciidan. Waxa ka socda magaalada Boosaaso ma aha wax la dhayalsan karo ee waa khatar la doonayo in dadku iska wada kaashadaan sidii loo wajihilaa.

Magaaladada Garoowe waxaa saldhigyada lagala baxayaa rag eedaysanayaal ah, waxaa la diiday in canshuurtii loo ururiyo wasaaradda Maaliyadda, waxaa la diiday in gebi ahaanba laga amarqaato maamulka taagtadaran ee cabdiweli Gaas. Intaa marka la isku daro waxaa soo baxaya in aan meesha wax maamul ah ka jirin.

Cabdiweli Gaas waxaan kula talinayaa in uu iscasilo oo yiraahdo shaqadan ma qaban karo ee ciddii i dooratay ayaan u celinayaa. Haddii uu sidaa samayn waayo oo dhibaatadu halkaa ka sii socoto waxaa ila tahay waxaa baarlamanka iyo waxgaradka Puntland la gudboon ina sooo goloe joojiyaan Cabdiweli Gaas iyo xukuumaddiisa oo codka kalsoonida loo qaado si loo casilo.

Xagasho: Abdirashiid Muse: https://www.facebook.com/abdirashid.muuse

 

Qoraalk kale oo ka hadlayey meeshay Puntland maanta marayso ayaa wuxuu u qornaa sidatan:

Puntland oo amankedu faraha ka baxay
Puntland oo dhulkeedii la kala jar jaray
Puntland oo cadaladii ku yaratay
Puntland oo ciidankii an lasiin misharadkii
Puntland oo canshuurii la kordhiye
Puntland meel ay ku socoto lama garanayo eeda odhan waxa ka mas uul ah………madax weynaha puntland ee gaas……. wadan iyo dad waxa difaaco ciidamada qaranka hadii askartii an la siin wax mishar ah dad iyo dal midna la difaci mayo ma jecli xumanta punland in aan fafiyolakin wa fakarka aan qab

Xigasho: https://www.facebook.com/baashicabdiraxaman.kasteli?fref=nf

Qoraalkan isaga wuxuu banaanka soo dhigayaa dayaca maanta ka jira Puntland oo uu Horseeday madaxweynihii u dhaartay in uu daacad ugu shaqaynay, wuxuuna qoraalku u qornaa sidatan:

 

Dr Gaas Shaqadaan Kuu Dooranay Maahayn Midaan

Maanta Waxaa Magaalada Garowe Ka Dhacay Qarax Lagu Laayay Shaqaalihii UNka

Waxaan Ugu Horayn Canbaarayn Argagixisada Falkaan Geysatay

Marka Labaadna Waxaan Canbaarayn Madaxweyne Gaas iyo Wasiirkiisa Amniga Oo Halkii Ay Amniga Shacabka Ku Mashquuli Lahaayeen Wakhti Badan Ku Lumiyey Dalxiis iyo Tamashle

Afar Maalmood Buu Maqan Yahay Dr Gaas Waana Falkii Afraad Oo Amni Xumo Ah Oo Puntland Ka Dhaca

Sidaan Horay U Sheegay

General Siciid Dheere
General Jaqanaf
Taliyaha PIS Asad Diyaana

Kuligood Shaqadii Waa Gabeen Haday Sidaan Kusii Socotana Puntland Amnigeedu Farahuu Ka Baxayaa, Sidaan Wada Ognahay Saraakiishaan Oo Kuligood Hantiilayaal Wada Noqday, Waxaa Meesha Ku Difaaca Beelohooda Laakiin Wax Shaqo Ah Uma Hayaan Shacab Weynaha Puntland.

Dr Gaas waxaan Ka Codsanaynaa Talaabo Cad oo Saraakiisha Amniga Xilka Looga Wada Qaado inuu Ku Dhaqaaqo, Dhalinyaro Dagaalka Diyaar u Ah Inuu Keeno Odayadan Lacag tirinta ku Jirana Meesha Ka Wareejiyo.

Qoraagu wuxuu kaloo ka hadlay sida ay u gabeen Generaaladii lagu aaminay Xilka ah inay sugaan dadka iyo dalka amnigooda, wuxuuna yiri:

 

GENERALADA TIJAARTA NOQDAY OO AMNIGII PUNTLAND DAYACAY WAA INAY IS CASILAAN SI DEG DEGA

General Mohamed Said Jaqanaf iyo Siciid Maxamed Xirsi Waxaan Ka Codsanaynaa Inay Sida Ugu Dhakhsaha Badan Xilalka Uga Dagaan Maadaama Ay Ku Fashilmeen Sugitaanka Amniga Puntland

Generalo Tijaara Oo Fookhakh Dhisid Ku Mashquulsan Puntland Uma Baahna Ee Rag Dhexdu Godan Tahay Oo Gaajadu Ka Muuqato Oo Buuralayda Lugayn Karaa Loo Baahan Yahay

Dadka Argagixisadu Ku Laynayso Magaalooyinka Puntland Idinkaa Dhiigooda U Sababa Ee Meesha U Baneeya

 

Xigasho; Sayid Muxaafid https://www.facebook.com/sayid.cumar.96

Isku soo ururiyoo waxaad moodaa in dulqaadkii uu ka idlaalay shacabka Puntland iyagoo quus ka jooga in uu wax sixi karo madaxweyne Cabdiwali Maxamed cali Gaas. Waxaa hada shacabka baaqoodu yahay ISCASIL madaxweyne waad ku fashilantay xilkii lagugu aaminaye.

Puntlandes.com

About The Author