Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Deni oo Shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland

30 Sept 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay amniga, ansixinta Siyaasadda Biyaha Puntland, ansixinta wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Xeerka Caanaha, dib-u-habeynta iyo dayactirka Waddooyinka Puntland iyo xaaladda degmooyinka Puntland.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer kadib ansixiyey Siyaasadda Biyaha Puntland iyo wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay xeerka Caanaha Puntland oo ay mudaneyaashu soo akhrin doonaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay adeega dadweynaha loo hayo iyo sidii loo sii horumarin lahaa, wuxuuna Madaxweynuhu la wadaagay Golaha Wasiirada in la dhiirigeliyo ganacsatada yaryar.



Puntlandes.com

About The Author