XOG: Waxgarad ugu baaqay Xildhibaanada Puntland in ay gutaan Waajibkooda lana Xisaabtamaan Xukuumada Gaas

1860

Shacabwynaha Puntalnd ayaa waxaa meesha ka baxday kalsoonidii ay ku qabeen Hogaaminta madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyadoo ay shacabku quus ka joogaan in uu sixi karo qaladaadka ay Xukuumadiisu gashay.

Aqoonyahano iyo Waxgarad reer Puntland ah ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Puntland in ay gutaan waajibaadkooda sida ugu dhaqsaha badana ula sixaabtamaan Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Dr Gaas oo ay waxay soo kordhisay dib u dhac maahee aysan jirin waa sida ay hadalka u dhigeene.

Aqoonyahanada iyo Waxgaradka reer Puntland ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Puntland in uu galay Khiyaano qaran ka dib markii uu dayacay mas’uuliyadii lagu aaminay, waxayna cuskadeen Qodobadan soo socda:

  • Khal-khal ku yimid Amnigii dalka
  • Wadasgaqayntii dawlada oo gebi ahaanba meesha ka baxday
  • Bixintii uu ogolaaday in Gobolka Mudug laga jaro Puntland lagu daro Cadaado.
  • Raali ka ahaanshaha Somaliland oo maalin walba Puntland dhulkeeda isku fidinaysa
  • Bur-burinta Ciidamadii kala duwanaa ee Puntland lahayd ka hor intuusan Kursiga madaxtinimada Gaas iman

Ugu dambayntii waxay ugu baaqeen Aqoonyahanada iyo Waxgaradku in Xildhibaanad Baarlamaanka Puntland ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah lana Xisaabtamaan madaxweyne Gaas maadama uu lumiyey kalsoonidii Shacabka Puntland.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author