Daawo Muuqaal: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xamse Cabdi Barre Raiisul wasaare u magacaabay

15 June 2022 (Puntlandes) Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xamza Cabdi Barre u magacaabay ra’iisil wasaaraha cusub ee dalka, kaasoo dhawaan laga sugayo inuu soo dhiso golaha Wasiirada Soomaaliya.

Ninka la soo magacaabay ayaa horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul wwsaaraha cusub ee dalka Xamza Cabdi Barre oo ah siyaasi u dhashay beesha Ogaadeen ayaa sidoo kale aad ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, wuxuuna ahaa xildhibaankii ugu horreeyey golaha shacabka ee lagu soo doortay Jubaland, 28-kii December saandkii hore ee 2021.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya kaas oo noqonaya ra’iisul Wasaarihii 21-aad ee dalku yeesho ayaa ah  qofkii ugu horreeyey ee aan qurbo jog aheyn ee xilkan loo magacaabo.

About The Author