Muuqaal: Culimada Puntland “Dagaalka Laascaanod waa dulmi, Somaliland ciidankeeda ha kala baxdo”

15 Feb 2023 (Puntlandes) Culimada Puntland ayaa war kasoo saaray dagaalka todobaadkii labaad ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, kaas oo u dhexeeya ciidamada deegaanka ee SSC iyo ciidamada maamulka Somaliland.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Bosaso ayay ku sheegeen Culimada Puntland in dagaalka ka soconaya Laascaanood uu yahay mid dulmi ah, iyagoo ku baaqay in la joojiyo dagaalka.

Culimada ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo Laascaanood, ayna aqbasho rabitaanka shacabka.

“Dagaalka Laascaanood waa dulmi, waa in Somaliland ay ciidankeeda ka dulqaad-daa Laascaanood, lana tixgaliyo rabitaanka Shacabka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Culimada Puntland.

About The Author