Muuqaal: Taliye Ciidanka Somaliland oo sheegay inay Laascaanood kula dagaalamayaan Puntland & Alshabaab

17 Feb 2023 (Puntlandes) Taliye Ciidanka Somaliland oo saxaafadda la hadlay ayaa ugu horay ku bilaabay inay Somaliland Laascaanood ka qabsatay Puntland 2007dii, yana ka sameeyeen horumar intii ay haysteen waa sida uu hadalaka u dhigaye.

Isimada SSC ee ku shiray magaalada Jigjiga, kuwa Puntland ka yimid, kuwii horey u joogay iyo qurbajoogta gobalka  Sool ayuu ku eedeeey dagaalka Laascaanood in ay ka dambeeyeen, Alshabaab iyo Puntland ayuu sheegay inay saadka iyo qeybta dagaalamaysaba yihiin.

Nuux Taani ayaa sheegay in Laascaanood laga doonayo in laga hirgaliyo Saldhig ay leedahay kooxda Argagixiso ee Alshabaab, laga soo saaray Koonfurta Soomaaliya, wuxuu sheegay in ay horey saldhig ugu lahaayeen Buuhoodle, haddana loo soo wareejinayo Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu sheegay in haddii dagaalkan aan lagu taageerin Somaliland, in kooxaha uu ku sifeeyey Argagixisada ay dhib ku noqon doonaan Amniga Itoobiya, Jabuuti & Somaliland, isagoo aan qarsan in xaaladdu ku adag tahay dhankooda.

Cabdi Madoobe ayuu ku eedeeyey in uu wato ciidan gaar ah, oo ay Somaliland u aragto in ay argagixiso yihiin, isagoo sheegay in uu kasoo horjeedo madaxda Somaliland oo uu ku sifeeyey kuwa xadgudbay.

Magaalada in ay u daneynayaan oo aysan wali dagaal iyo talaabo qaadin ayuu sheegay, khasaaraha in ay yareynayaan ayuu tilmaamay. Reer Puntland ayuu sheegay in ay ka waantooban faragalinta uu sheegay in ay ku hayaan dagaalkan, dadka Laascaanod ayuu u sheegay in ay Somaliland u ilaalinayso magaaladooda oo ay uturayso oo at tahay in ay dantooda Aqoonsadaan, nabaddana kusoo noqdaan.

About The Author