Ciidamada Somaliland oo duqayn ku wada xaafado ka tirsan magaalada Laascaanood

18 Feb 2023 (Puntlandes) Ciidamada Somaliland ayaa maanta oo ah maalintii 13aad ayaa duqayn culus ku wada xaafado ka tirsan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Goobjoogayaal kala duwan oo ku sugan Laascaanood ayaa soo sheegaya in madaafiic aan loo meel dayin lagu garaacayo xaafadaha qaarkood.

Wararka ayaa xaqiijinaya in hal qof oo rayid ah uu ku geeriyooday duqaymaha saaka ku dhacaya xaafadaha Laascaanood.

Jimcihii shalay oo keliya waxa laga diiwaan-geliyay Laascaanood geerida ilaa 8 qof oo rayid ah kuwaas oo ku naf-waayay duqaynta.

About The Author