Xubno ka tirsan labada Aqal ee Minnesota ” Laascaanood waxaa ka socota ku xadgudub Xuquuqda aadanaha”

18 Feb 2023 (Puntlandes) Xubno ka tirsan labada Aqal ee Minnesota ayaa qoraal la xiriira dilka & barakicinta uu shacabka Laascaanood ku hayo maamulka Muuse Biixi u diray xubno ka tirsan labada Aqal ee Kongereska Maraykanka.

Xubnaha ka tirsan labada Aqal ee Minnesota ee qoraalka qoray ayaa kala ah Xildhibaan Maxamuud Nuur oo laga soo doorto District 60B, Xildhibaan Hodan Xasan oo laga soo doorto District 62B iyo Senator Cumar Fataax oo laga soo doorto District 62.

Xubnaha ayaa qoraalka u diray xubno laga doortay Minnesota oo ka tirsan Kongereska Maraykanka kuwaas oo kala ah Senator Amy Klobuchar, Senator Tina Smith, Xil Angie Craig, Xil Dean Philips, Xil Betty McCollum iyo Xil Ilhan Omar.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka magaalada Laascaanood ay dawladda Maraykanka iyo saaxiibadeed badbaadiyaan.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay inay magaalada ka socoto ku xadgudub xuquuqda aadanaha, iyadoo ay sheegeen in magaalada lagu garaacayo Madaafiic  aan waxba hambaynay laguna dilay shacab aan waxba galabsan laguna burburiyey guryahoodii iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

About The Author