Sawirro: Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo kulan la qaatay wefdi ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya

13 Nov 2023 (Puntlandes.com) Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ay weheliyaan Hoggaamiye Ku xigeenka iyo Guddoonka Golaha Dhexe ayaa kulan la qaatay wefdi ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Wefdigaan oo uu Hoggaaminayey guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senator Cabdillaahi Cali Xirsi ayna ka mid yihiin Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Xildhibaan Cabdi Qawdhan Warsame ayaa diirradda lagu saaray adkaynta iyo xoojinta arrimaha nabad gelyada iyo sidii mandaqadan loogu wada noolaan lahaa deris-wanaag.

Weftiga ayaa bogaadiyey baaqyadii Nabadda ee Maamulka SSC-Khaatumo ku dhawaaqeen, sidoo kalena dhankooda ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo, lagana baaqsado collaad iyo dagaal daba-dheeraada.

About The Author