MD Deni, Guddoomiyaha Baarlamanka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka PEC oo yeeshey kulan ay kaga arrinsanayeen doorashada Puntland

13 Nov 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, Guddoomiyaha Baarlamanka, Cabdirashiid Yuusuf iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka PEC, Fu’aad Adeer ayaa caawa yeeshey kulan saacado qaatay oo kaga arrinsanayeen doorashooyinka madaxtinimo, hannaanka qof iyo cod iyo meelmarinta xeerka doorashooyinka oo la filayo in golaha la horgeeyo todobaadkan.

Kulankaan ayaa imaanaya xilli madaxweyne Deni xalayna la kulmay Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo ay ka wada-hadleen ismarin-waaga doorashada Puntland, taasoo xukuumaddu dooneyso in ay ku dhacdo qof iyo cod balse siyaasiyaasiyiinta mucaaridku diidan yihiin.

Warar madaxbanaan ayaa waxay noo xaqiijieen inay Isimada isku fahmi waayeen iyagoo ku diiday sida uu wax u doonayey kulana taliyey inuu Puntland ka qabto xiligeedii doorasho heshiis lagu wada yahay.

Sidoo kale Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang iyo wadfi ay hogaaminaysay oo shalay, 12kii november, Garowe kula kulmay madaxweyne Siciid Deni oo dhinac ah, Dalladda Mucaaradka Puntland oo dhica kale ah iyo Dallada Bulshada Rayidka (PUNSAA) ayaa madaxweyanaha u dhiibtay fariin ay ka waday Beesha caalamka oo ah inuu qabto doorasho la isla ogol yahay kuna dhacda si nabadgalyo ah.

About The Author