Muuqaal: Guddiga nabadgalyada Gobolka Nugaal ”Federaal qofkii la xiriira waa dambiile”

07 Apr 2024 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha guddiga nabad galyada Gobolka nugaal ahna Guddoomiyaha Gobolka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir yaa shaaciyey awaamiir lagu adkaynaayo Amniga Gobolka Nugaal, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay dambi tahay qofkii la xiriira DFS.

Guddoomiyaha C/raxmaan ayaa yiri  “Waxaa nagu maqaalo ah in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh uu magacaabay wasiir la dhoho Cali Yusuf Cali Xoosh oo Puntland iyo Garowe ka soo jeeda, waxaana u sheegaynaa in uusan wasiirkaas annaga na qusayn, ciddii la xiriirta DFS-kana waa Dambiile oo ciidanka ayaa waajibaadkooda ka qabsanaya”.

Dhanka kale Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo ka hadlaya arrimaha Federaalka iyo Puntland, ayaa fariin adag u diray milkiilayaasha hotelada iyo meheradaha banaanka magaalooyinka, isagoo sheegay in aan xaflado dhanka Taageeridda Federaalka lagu qaban karin cidii u hogaamsami wayda awaamiirtaasna talaabo laga qaadayo.

About The Author