Sawirro: Agaasimaha cusub ee NISA oo kormeeray xarumaha Hey’adda

08 Apr 2024 (Puntlandes.com) Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, (NISA), Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa maanta kormeeray xarumaha Hey’adda, iyadoo la fillayo in maalinta berri uu si rasmi ah xilka ula wareego.

Agaasimaha xilka ka degaya ee NISA Mahad Maxamad Salaad ayaa xarunta dhexe ee NISA kusoo dhaweeyay Agaasimaha cusub ee Hey’adda.

Labada Taliye ayaa kormeeray xarumaha kala duwan ee NISA iyaga oo u kuurgalay shaqooyinka ka socda sidoo kalana la kulmay saraakiisha iyo hawlwadeennada.

About The Author