Mareykanka oo ka digay weeraro kusoo socda Muwqdisho

08 Apr 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay heshay xog ah in weeraro Argagixiso ay ka dhici karaan Muqdisho, gaar ahaana goobaha kala ah, dekedda, koontaroolada, xarumaha dawladda, hoteelada, makhaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan ajaaniibta reer galbeedka ah.

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho, oo baahisay warbixintan digniinta ah ayaa sidoo kale shaqaalaheeda u dirtay wargelin ay ugu sheegayso in la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada safaaradda berri oo Talaado ah 9 April, mana jirto cid ka bixi karta ama soo geli karta dhismaha safaaradda, waxaana looga digay saraakiisha Mareykanka inay berri usoo safraan Muqdisho.

Weerarada ayay US in loo adeegsan karro, qaraxyada baabuurta, is-qarxinta, weerar toos, iyo madaafiic.

About The Author