Madaxweynaha Puntland oo Baarlamaanka beri ka horjeedin doono khudbad ku saabsan Arrimaha DFS iyo maamulka Cadaado

05 july 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa berri oo ah Isniin khudbad ka jeedin doono Baarlamaanka Dowladda Puntland taasoo uu uga hadlayo Arrimaha DFS iyo maamulka ay Cadaado ka Dhoodhoobtay.

Madaxweynaha Puntland ayaa xuska habeenkii 1da Luulyo khudbad uu jeediyey uga hadlay arrimaha federaalka isagoo DFS ku eedeeyey hurin colaad ka dhacda Goboladda dhexe iyo Puntland sidoo kalana ay ku xad gudubtay mar kale Dastuurka ay ummadda Soomaaliyeed ay ku heshiisay, Wuxuu habeenkaas khubdadiisa ku sheegay in Puntland dhulkeeda la sheegan karin xuduudana aysan ahayn Burtinle ee ay tagi doonto markay runta tagto Guriceel iy Godanlabe hoos ka dhagayso Khudbadii Gaas.

DFS dhagaha ayey ka furaysatay baaqyada nabada Xambaarsan ee ka imaanayey Shacabka iyo dawldda Puntland. DFS waxay gebi ahaanba laaday dastuurkii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay, DFS waxay ku hawlan tahay dagaal ku jihaysan Shacabka iyo dawladda Puntland iyadoo Dastuur ku sheeg ugu qortay Dhul baaxad wayn oo ka tirsan Puntland maamulka ay Cadaado ka dhoodhoobtay kaasoo iminka sheegana dhulkaas dagaalna ku soo ah Puntland.

Shacabka Puntland wax kalsooniya kuma qabaan DFS ta Xasan Sheekh mana doonayaan waxayna u dhagtaagayaan Khudbada iyo go’aamada uu qaato madaxweyne GAAS isagoo ay labo tahay inuu mid qaato kuwaas oo kala ah:

  1. Inuu xilka ka dego maadaama Gobolkiisii DFS iyo Cadaado sheegteen
  2. Ku dhawaaqo inay Puntland Aayaheeda ka tashato iyadoo uu u banaynayo Qodobka 4aad ee Dastuurka Puntland.

Qaar ka mida Dadka odorasa arrimaha Puntland oo Warbaahinta Puntlandes ay wax ka waydiisay ayaa waxay sheegeen in uusan Gaas doorashooyin badan haysan uuna isticmaali doono Qodobka 4aad ee dastuurka Puntlan.

Khubada madaxweynaha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author