Dhagayso: Muxiyadiin ”dadku hubka waa wada haystaa cid la oran karaa ma haysan kartaana ma jirto”

155a

05 july 2015 (Puntlandes) Taliyihii hore ee Ciidama Booliiska Puntland oo diiday inuu xilka wareejiyo lana goostay Ciidamo badan iyo Hub fara badan oo ay lahayd dawladda Puntland ayaa waxaa ka abuurmay Xiiso dagaal kadib markii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu amar ku bixiyey inuu Hubka iyo Ciidamada soo wareejiyo taasoo abuurtay inay Ciidamada dawaldda Puntland iyo kuwa ay la goosteen Muxiyadiin iyo Cabdi yare oo isna ahaa Agaasimihii PIA Puntland oo isna haysta Hub iyo Ciidan ay dawladda Puntland leedahay ay isku hor fadhiyaan Tuulada Qarxis ee Gobolka Nugaal.

Odoyaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Nugaal ayaa waanwaan bilaabay hadaba warbaahinta ayaa waxay ka waraysatay Muxiyadiin halka wax marayaan.

Mar su’aal laga waydiiyey inuu madaxweynuhu doonayo inuu hubka soo wareejiyo ayuu wuxuu ku jawaabay Muxiyadiin ”dadku hubka waa wada haystaa cid la oran karaa ma haysan kartaana ma jirto” isagoo ula jeeda inuu hubkii dawladda iyo Ciidankii dawladda qaab Beeleed uu ku haysan karo!!! CAJIIB.

Way dhacday Puntland in marka looga guulaysto madaxweyne Puntland xukumay ay reerkiisu dhawr baabuur oo tikniko ah kala baxsadaan dawladda Puntalnd laakiin maaha wax horay u dhacay in Guutooyin Ciidamo oo ay dawlada Puntland leedahay iyo Hubkoodii inta caasimada ISBAARO La dhigto lagu doodo waa hub Beeleed tan ka horow.

Dhagayso Muxiyadiin

Dhanka kale Muxiyadiin ayaa ku dooday inuu doonayo wax uu ugu yeeray Xuquuqdii Ciidamada uu haysto isagoo sheegay in Mushahaar iyo Gunooyin ka maqan yihiin!!CAJIIB oo ma is gashaa Beel baa Hubka leh iyo Mushahaar iyo Xuquuq Ciidamo dawladeed ayaan doonayaa?

Muxiyadiin iyo Cabdiyare waxay ISBAARO u dhigteen dawladnimada Puntland waxay Ceebeeyeen Garowe Caasimadnimadeedii waxay meel uga dhaceen haybadii dawladnimada Puntland. Su’aasha ka dhex guuxaysa shacabka jecel dawladnimda ee reer Puntland ayaa ah ma waayeen Muxiyadiin iyo Cabdiyare cid Qabata? Meeya Reer Nugaaleed mise Fawdada ayey la qabaan wiilashan lagu burburinayo dawladnimada Puntland.

Dad badan oo reer Puntland ah ayaa aaminsan uu shidayo Muxiyadiin iyo Cabdiyare ayna taageero dhaqaale ka helaan madaxweynaha DFS xasan Sheekh oo dagaal cad ku haya Shacabka iyo dawlada Puntland doonayana inuu Bur buriyo Puntland.

Puntlandes.com

 

About The Author