Dhagayso: Barlamaanka Puntland oo bilaabaya Arbacada dood ku saabsan Arrimaha Federalka iyo Dastuurka

64

06 july 2015 (Puntlandes) Barlamaanka Puntland ayaa maalinta Arbacada ee fooda inagu soo haysa ayaa dood dheer ka yeelan doona Dastuurka iyo arrimaha Federaalka.

Waxaa kasoo qaybgelaya madaxda dowladda Puntland iyo wasaaradda Dastuurka Puntland oo iyadu madasha kusoo bandhigi doonta heshiisyadii ay wada gaareen Puntland iyo DFS iyo qodobada kamid ka ah Dastuurka Soomaaliya ee ay DFS wax ka beddel ku samaysay.

Barlamaanka Puntland ayaa si rasmi ah u guda geli doona ka doodista qodobka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka Soomaaliya maalinta Arbacada ah ee soo socota iyadoona goluhu mudo sadex bari ah doodo adag ka yeelan doonaan qodobkaasi.

Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire  ayaa sheegay in dooda qodobkani ay noqon doonta dood furan oo ay ka soo qayb galaan Saxaafada, dadweynaha reer Puntland iyo cidii kale ee doonaysa inay dhagaysato ama xiisaynaysa.

Dhagayso Gudoonka Baarlamaanka Puntland


Puntlandes.com

About The Author