Dhagayso: Wasiir Soocade ”Puntland ma aqoonsana wadahadalna la geli mayso C/kariim”

169i

06 july 2015 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Maxamuud Xassan Soocadde ayaa waraysi uu siiyey BBC da waxa uu ku cadeeyey inaysan Puntland wax wadahadal ah la galayn C/kariim Xuseen Guuleed oo DFS ay madax uga dhigtay maamul ay ku dhoodhoobtay Degmada Cadaado.

Wasiir Soocadda ayaa yiri ”waxaan u aragnaa nin Xamar laga keenay oo aan ku imaan rabitaanka dadka dega Galgaduud iyo koonfurta Mudug.. Puntland waa dawlad waxa ay la hadli kartaana waa dawlad, haddise ay tahay inuu C/kariim cid la hadlayo waxay ila tahay waa Gudoomiyaasha ay xudduuda leeyiin ee Gobolka Mudug ee Puntland ka tirsan  waxayna ka wado hadli karaan oo kaliya wixii heer degaan ah”

Wasiirka ayaa mar kale ku celiyey inaysan Puntland aqoonsanayn C/kariim sabab ay Puntland shaqsi kula hadashaahina aysan jirin, waxa kaliya ee ay Puntland la hadli kartaahina waa dawlad.

Mar la waydiiyey wasiir Soocadde ma shaki baa ku jira in C/kariim maalin cad la doortay, cod loo qaaday, sanduukh dhalo ah lagu kala baxay la aqoonsaday Beesha caalamku aqoonsatay wuxuuna ku jawaabay Soocadde ”anagu taanu aaminsa nahay iyo tan Beesha caalamku aaminsan tahay iyo Sanduukhu hadduu dhalo ahaa iyo hadduu Alwaax ahaaba wax na quseeyo maaha , anaga waxaan u aragnaa niman fawdo ka wada Degaanka tan na qusaysaa waa sheegashada degaanada aysan lahayn, tan sanduuqa loogu ridayey ee lagu Riyoonayey waa qaybo Puntland ka mida mana ogaan karno mana aqoonsanin”

Wasiir Soocadde ayaa ku soo gaba gabeeyey hadalkiisa ”Inta ay sheeganayaan Mudug iyo Galgaduud baanu maamul u samaynay ma ogolaanaynno mana aqoonsanin haddiise ay Qoraalkooda ku cadeeyaan waxa maamulka loo sameeyey inay tahay Koonfurta Mudug iyo galgaduud taas waa laga wada xaajoon karaa”

Dhagayso waraysiga Wasiir Soocadde


Puntlandes.com

About The Author