Akhri Xeerarka & Guddiyada: Puntland oo sheegtay inaysan dhulkeeda ka shaqayn doonin Xeerarka iyo guddiyada DFS

67

7 july 2015 (Puntlandes) Dowladda Puntland  ayaa si cad u sheegtay inaysan Puntland ka dhaqan galin doonin xeerarka iyo guddiyada lagu sheegay inay ka shaqayn doonaan xaduudaa, federaalka iyo doorashooyinka ee ay soo saartay dawladda Xamar.

Wasaradda Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa Baarlamaanka Puntland usoo gudbisay warqad ay ku qoran tahay xeerar uu meelmariyay Baarlamaanka Xamar kuwaasoo aan wax la tashiyo ah lagala samayn mamulada dalka ka jira ee qaybta ka ah nidaamka Federaalka.

Qoraalka ay Wasaradda Dastuurka usoo gudbisay Baarlamaanka Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si jooto ah usoo saartaa xeerar kala duwan iyo macaabista guddiyo heer Federaal ah, xeerarkaasi iyo gudiyadaasi oo ay ahayd in lagala tashado dowladdaha xubinta ka ah dowladda Federaalka sida uu qabo Dastuurka dowladda Federaalka KMG ah , qodobadiisa kala 111, farqadiisa 1-aad, iyo 2.aad iyo qodobaka 142 farqadiisa 2-aad”

Dawladda Puntland ayaa go’aansatay dhammaan xeerarkii iyo guddiyadii uu Baarlamaanka DFS meelmariyay aysan ka shaqayn karin Puntland, waxana Qoraal lagu cadeeyay xeerarka iyo guddiyadda ay dawladda Xamar meelmarisay.

Xeerka Guddiga  Xuduudaha iyo Arrimaha Federaalka.

  1. Xeerka Guddiga  Xuduudaha iyo Arrimaha Federaalka.
  2. Xeerka Guddiga Doorashooyinka
  3. Xeerka Kalluumaysiga
  4. Xeerka Hanti Howraha Guud
  5. Somali Military treat with Italy.
  6. united nation convention of of the rights of Children (UNHCR).
  7. Xeerka Guddiga Adeegga Garsoorka.
  8. Xeerka Isgaarsiinta
  9. Xeerka Warfaafinta
  10. IWM,ETC.

Baarlamaanka Puntland ayaa bilaabaya maalinta Arbacada dood furan oo ku saabsan siyaasadda dalka sida xiriirka ka dhaxeeya Punland, DFS, mamulka sharci darada ah ee ay DFS ku dhoodhoobtay Cadaado iyo Aayaha danbe ee Puntland maadama DFS wadadii ka leexatay kuna tumatay nidamaka Federaalka iyo wax walba oo lagu wada heshiiyay.

Puntlandes.com

About The Author